X

Madaxweyne Cirro  Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Soo Waajahay Dhaqanka Bulshada Ee Dalawga Kasii Dhacaya

 ” Dhaqankeennu waa dhaqan caan ku ah sharaf dhowrasho, anshax wanaag, iyo aqoon aad u qotadheer,” Madaxwey e Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa (ANN) -Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa ka hadlay marxaladda xilligan ee dhaqanka la doorinayo iyo baahida loo qabo in la badbaadiyo si loogu dabaalo bulshada oo si xun Baraha bulshada (social media).

 

Madaxweynaha ayaa arrimahaa ku Sharaxay Khudbad uu ka jeediyay shirka maanta ka qayb galay Furitaanka Shir-weynaha Dhaqanka Heer Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Huteel Mansoor, kaasi oo socon doona muddo laba cisho ah.

Shirkan oo ahaa Shirkii Dhaqan ee ugu horreeyey ee noociisa ahaa ee lagu qabto Somaliland, waxa si qiimo leh u soo agaasimay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta JSL oo uu hormuud ka yahay Sheekh Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Shir-weynaha Dhaqanka Somaliland ayaa diiradda lagu saarayo, isla markaana lagu faaqidayo Hab-nololeedka Bulshada Somaliland guud ahaan, gaar ahaana arrimaha muhiimadda iyo mudnaanta u leh ummadda JSL ee xagga Dhaqanka, Hiddaha, Afka, Hal-abuurka, Suugaanta iyo Far-shaxanka. Gaar ahaan Shirka Dhaqanka Heer Qaran waxa la is dul taagi doonaa sagaalka mawduuc ee kala ah:

1. Ahmiyadda Dhaqanka iyo Hiddaha,
2. Guurka iyo Dhaqanka,
3. Qabyaaladda iyo Takoorka,
4. Casriga iyo saamaynta Dhaqanka,
5. Garta iyo Dhaqanka,
6. Afka iyo suugaanta,
7. Xoolaha, Beeraha iyo Sooryada,
8. Barbaarinta Carruurta iyo Dhaqanka,
9. Siyaasadda iyo Dhaqanka,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Madasha ka jeediyey Khudbad taariikhi ah oo taabanaysa dhinacyo badan ayaa sheegay in madashani ay tahay mid aad u qiimo badan oo aynu dib ugu milicsanayno Sooyaalkii dhaqan ee aynu ummad ahaan ka nimid si aynu u fahanno waqtiga aynu joogno. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Shir-weynahan Dhaqan uu yahay mid sawir buuxa inaga siinaya habka ugu fiican ee aynu mustaqbalka u horumarin karno, ugana faa’idaysan karno Dhaqankeenna Hodanka ah.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay xidhiidhka ka dhexeeya Dhaqanka iyo jiritaanka bulshada waxa uu yidhi:

“Dhaqanku waa ruuxda jiritaanka bulshada. Waa seeska abtirsiinta iyo sawraca ummadda. Waa dunta innagu tosha jiilasheennii hore, si aynnaan u kala anban.Waa jiheeyaha innagu haga qiyamkeenna, hab-dhaqankeenna iyo diinteenna.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay asalnimada (originality) Dhaqankeena Qaniga ah waxa uu yidhi:

“Dhaqankeenu waa dhaqan xero u dhalad ah oo aan sida bulshooyinka qaar dibadda la inooga soo dhoofin. Waa dhaqan ku aorroa sooyaalka nolosheenna xolo-dhaqato, caqiidadeenna Islaamnimo, iyo qisaska ku duugan hiddaheenna ee ay ka turjumayaan, aataarta kumannaanka sano soo jirtay ee aynu ka soo gaadhnay awoowyadeen.”

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay sharafta iyo milgaha u gaarka ah Dhaqankeenna waxa uu yidhi:

“Dhaqankeennu waa dhaqan caan ku ah sharaf dhowrasho, anshax wanaag, iyo aqoon aad u qotadheer, kaas oo weelkiisu uu ahaa afkeenna, gaar ahaan gabayada ay awoowyadeen inoo kaydiyeen, oo ka mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee aanay hodannimada afkeennu u gudhin.”

Ugu dambayntii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in uu Shir-weynaha Dhaqanka ka filayo natiijo wacan, si ay bar bilow ugu noqoto isbeddelka aynu ummad ahaan ku adkaynayno, ku ilaalinayno, kuna muujinayno dhaqankeenna, ugana hortegeyno in uu ka lumo jiilasheenna soo socda.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post