X

Haweenku waxay ku Riyoodaan Lammaanahooda oo Khiyaamaynaya, Ragguna Qorshayaashooda Nololeed

Araweelo News Network

Haweenku waxa ay inta badan ku riyoodaan ragga, gaar ahaan lammaanahooda oo khiyaamaynaya, halka inta badan raggu ku riyoodo iyagoo shaqo loo dallacsiiyey amma qorshe hawleed dejinaya.
Sida ay sheegtay cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro u dhashay dalka Maraykanka dhawaan, waxa kaloo haweenku inta badan ku riyoodaan ilko daadanaya, iyadoo la erayanayo iyo xayawaan ay arkeen, halka ragguna aad ugu riyoodaan iyagoo diyaarad fuushan, kulamo ku jira amma lacag helay.
Xog-ururin ay shirkad la yidhaa Amrisleep ka qaadday 2,000 (laba kun) oo qof oo isugu jira rag iyo dumar, kuna nool qaaradda Maraykanka, isla markaana lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa soo saartay waxyaabaha caanka ah ee ragga iyo dumarku ku kala riyoodaan xilliyada ay hurdaan, iyadoo la ogaaday in riyooyinka ninka iyo haweenaydu kala duwan yihiin.
Waxa daraasadda ka soo baxday in haweenku ku riyoodaan nolol cabsi badan, halka ragguna aad ugu riyoodaan farxad iyo rayn rayn iyagoo ku jira, waxaanay khubarada falanqaysa barashada maskaxda aadumuhu muddo tobanaan sanno ah baadhayeen waxyaabaha sababay inay kala duwan yihiin riyooyinka ragga iyo dumarka.
“Qarawga amma riyadu waxay ka timaad murugo amma farxad, inta badan haweenka waxa ku badan murugada marka ragga loo eego oo way ka cabsi badan yihiin sababo la xidhiidha nolosha ku xeeran aawadeed.” Sidaa waxa tidhi Mrs. Anne Cutler oo ah haweenay ku takhasustay cilmi-nafsiga.
Dr. Jennie Parker oo ah cilmi-baadhis dhinaca cilmi-nafsiga ku takhasusay, waxna ka dhiga Jaamacadda Galbeedka England (University of West England), ayaa sheegay in haweenku ka qaraw amma riyo badan yihiin, kana sas badan yihiin ragga marka la eego dhinaca riyada, inta badanna qarawgoodu uu la xidhiidho caaddifadda ku badan aawadeed.
Sidoo kale, cilmi-baadhista shirkadda Amerisleep, waxa ay iftiimisay in haweenku kaga fiican yihiin ragga dhinaca xasuushada waxyaabaha ay ku riyoodeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/