X

Dalka Turkiga Oo Laga Helay Kitaabka Bible Ah Oo 1,500 sanno jiray Iyo Waxyaabaha Uu Fashiliyay

Araweelo News Network

Ankara(ANN)-Kitaabka asalka ah ee Bible ee Kiristaanku aaminsan yihiin, kaasoo saadaaliyey soo bixitaankii Nebi Muxamed (NNKHA), ayaa si sir ah looga helay dalka Turkiga.
Buuggan baybalka ah (Bible) oo laga qaaday kiniisadaha qaddiimiga ah ee Kiristaanka ee ku yaal Fatikanka (Vatican), ayaa Baadiriga Pope Venedict XVI uu sheegay inuu arkay kitaab 1,500 sanno jiray, kaasoo ku dooday inuu yahay kitaab la odhan jiray Gospel of Barnabas. Waxa u sheegay in Bible waddanka Turkiga lagu qarinayey 12kii sannadood ee u dambeeyey.
Kitaabkan oo qiimahiisu dhan yahay £14 milyan lacagta Ingiriiska ah ee giniga loo yaqaan, waxa ku jira dahab, waxaannu ku qoran yahay luqadda la yidhaa Aramaic, waxana ku qoran saadaal uu ku sheegayo in Nebi Muxamed (NNKHA) dunida loo soo diri doono Ciise dabadii.
Kitaabkan Bible ah oo saan iyo dahab isugu jira, waxa gacanta ku dhigay booliska Turkiga waqti ay qaadeen hawlgal ka dhan ah tahriibinta sannadkii 2000-kii, balse waxa si adag loo ilaaliyey wixii ka dambeeyey 2010kii, markii la dhigay carwo la yidhaa Ankara Ehtnography Museum, iyadoo waqtiyada qaarna loo furo in ay dadku daawadaan.
Bog keliya oo ka mid ah qoraalka ku qoran Bible, ayaa qiimahiisu dhan yahay £1.5 milyan lacagta Ingiriiska ah.
Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Turkiga Mr. Ertugrul Gunay, ayaa sheegay in kitaabkan uu yahay qayb ka mid ah Bible asalka ahaa ee la odhan jiray Gospel aamma kitaabkii Injiil, taasoo Kiniisadaha Kiristanka lagu cadaadiyey in ay qariyaan maadaama uu diinta Islaamka dhiirrigelinayo.
Waxa kaloo uu sheegay Wasiirku in Fatikaanku (Vatican) soo direen codsi rasmi ah oo ay ku doonayeen inay arkaan kitaabka, kaasoo muslimiintu aaminsan yihiin inuu yahay Bible asalka ah.
Marka laga yimaad aragtida uu Islaamku ka bixinayo, waxa Bible la yidhaa Gospel uu Nebi Ciise ka aaminsan yahay inuu ahaa bina’aadam oo aannu ahayn Alle, sida ay ku doodaan dad kiristaan ah.
Waxa uu diidaa waxyaabo badan oo Kiristaanku waqtigan sameeyaan, sida sheekooyinka sheega in Nebi Ciise ahaa Alle amma Wiilka Alle dhalay.
Waxa muran badan ka keenay aqoonyahannada Kiristaanka, balse markii la baadhay doodo badan oo ay soo dhigeen waxay noqdeen kuwo jaban oon xoogganayn, iyadoo diinta islaamku si buuxda u suulisay, meeshana uga saartay figradaha qalooca ee ay aaminsan yihiin dadka kiristaanka ah waqtigan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/