X

Abwaanka Caanka Ah Ee Aadan Tarabi Oo Maanso Soo Jiidatay Rayal Caamka Bulshada Ku Suureeyay Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka

Hargeysa(ANN)Abwaanka weyn ee caanka ah Aadan Tarabi, ayaa daaha ka roggay Maanso suugaaneed oo uu ku suureeyay xaaladda Siyaasadeed ee Dalka. Maansadaa oo la baxday “Isku Hillan”

Abwaan Tarabi oo ah Mujaahid Af iyo adibna kaga soo qaybqaatay halgankii dalka ee ay higgaaminayeen Ururkii SNM, wuxuu suugaanta iyo Hal abuurka Soomaalida kaga jiray safka hore, isagoo door weyn ku lahaa sil-siladihii sideetanaadkii iyo todobaatanaadkii socday, isla markaana noqday Ninkii Al-baabada u xidhay Suugaantii Sil-siladii caanka ahayd Deelleey, isagoo ku Af-xidhay maanso uu halku dheg uga dhigay, “Deelleey gunaanaday Dabadayna Lama Furo”

Abwaan Tarabi sannadihi u danbeeyay lama maqal wax suugaan, ama Maanso ah oo uu masraxyada fanka iyo suugaanta keenay, balse Maansada waqtigan uu ku suureeyay xaaladda dalka ee Siyaasadeed, ayaa noqotay mid soo jiidatay Rayal Caamka Bulshada oo si aad ah loogu dheg-taagayay markii ay soo baxday inuu Abwaan Tarabi soo waddo Maanso cusub.

Maansaddaa oo waxyaabo baddan ka hadlaysa halkan ka Daawo, ama Dhegeyso Riix

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380