X

Xaqiiqda Doorashooyinka Kenya

The two leaders Raila Odinga and William Ruto, Image Araweelo News Network, 9 August 2022.

Muxuu Odinga U Waayay Madaxweynaha ?

 Qabiilka dalka kenya  ugu  ballaadhan ee kikuyu ayaa u muuqda kuwo iyagu  dalka  kenya mulki ahaan u leh.  iyaga ayaa jaan gooya dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka kenya. marka ay sharci ahaan ay iyagu noqon waayaan madaxweynaha dalka kenya  waxay u dhiibtaan madaxweynaha nin u dhashay qabiilka kalaajiinta.

Waxay sidaa u samaynayaan ayaa ah inay kikuya-du u diidantahay madaxweeynaha dalka kenya inuu ka soo baxo  Qabiilka La yidhaahdo jalwo oo ay ka dhaxayso xifaaltan iyo cadaawad siyaasadeed  oo taariikhi ah.

Waa sababta aan u leeyahay Raila Odinga kuma guulaysan doono madaxweyna nimada dalka Kenya.  Sanandkii 2007 isagoo ku guulaystay ayaa xoog looga qaaday Kadib na waxaa lagu qanciyey inuu qaato  Raysul wasaaranimo aan wax awood ah lahayn.

Sidan oo kale waxay ku dhacday Raila odinga Aabihii oo la odhan jaramongi oginga Odinga kaasi oo ku sigay in uu madaxtinimada kaga guulaysto   Jomo Kenyatta oo ahaa madaxweeynihii uugu horreeyey ee jamhuuriyadda kenya .  Jomo kenyatta ayaa xidhay jaramongi oginga Odinga markii dambe  waxaa lagu qanciyay inuu xisbi samaysto. ugu dambayn sidaa ayuu ku dhintay isagoon weligii madaxweeyne ka noqon dalka kenya.

Dadka ku odhanaya kenya waa dal dimoqraadi ah oo qabyaaladi kama jirto waa dad aan badankoodu aqoon u lahayn taariikhda dalka kenya.

Qabiilka kikuyu ayaa hadda soo dhisaya murashax William Ruto oo ka soo  jeeda qabiilka kalaajiinta waxayna awoodda madaxweeyna-nimo ka ilaalinayaan qabiilka Jalwo-da.  qabiilka kalaajiinta waxaa sidoo kale ka soo jeeda madaxweeynihii 2aad ee dalka kenya Daniel Arap Moi.  dabcan inuu Daniel Tarotchi Arap Moi dalka kenya madaxweeyne ka noqdo waxay ahayd ogolaanshiyo iyo taageero uu ka haystay qabiilka kikuyada.

Taariikhyada ayaa mar 2aad iyadu isa soo celisay waxa hadda ka dhacaya dalka  kenya  waa  uun wixii Horay uuga soo dhacay taariikh ahaan.  Sidaa awgeed Raila Odinga wuxuu marayaa uun halkii uu Aabihii maray.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Dr.Ahmed Hasan Saalah

axmeddeeq500@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post