Muxuu Odinga U Waayay Madaxweynaha ?
Qabiilka dalka kenya ugu ballaadhan ee kikuyu ayaa u muuqda kuwo iyagu dalka kenya mulki ahaan u leh. iyaga ayaa jaan gooya dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka kenya. marka ay sharci ahaan ay iyagu noqon waayaan madaxweynaha dalka kenya waxay u dhiibtaan madaxweynaha nin u dhashay qabiilka kalaajiinta.
Waxay sidaa u samaynayaan ayaa ah inay kikuya-du u diidantahay madaxweeynaha dalka kenya inuu ka soo baxo Qabiilka La yidhaahdo jalwo oo ay ka dhaxayso xifaaltan iyo cadaawad siyaasadeed oo taariikhi ah.
Waa sababta aan u leeyahay Raila Odinga kuma guulaysan doono madaxweyna nimada dalka Kenya. Sanandkii 2007 isagoo ku guulaystay ayaa xoog looga qaaday Kadib na waxaa lagu qanciyey inuu qaato Raysul wasaaranimo aan wax awood ah lahayn.
Sidan oo kale waxay ku dhacday Raila odinga Aabihii oo la odhan jaramongi oginga Odinga kaasi oo ku sigay in uu madaxtinimada kaga guulaysto Jomo Kenyatta oo ahaa madaxweeynihii uugu horreeyey ee jamhuuriyadda kenya . Jomo kenyatta ayaa xidhay jaramongi oginga Odinga markii dambe waxaa lagu qanciyay inuu xisbi samaysto. ugu dambayn sidaa ayuu ku dhintay isagoon weligii madaxweeyne ka noqon dalka kenya.
Dadka ku odhanaya kenya waa dal dimoqraadi ah oo qabyaaladi kama jirto waa dad aan badankoodu aqoon u lahayn taariikhda dalka kenya.
Qabiilka kikuyu ayaa hadda soo dhisaya murashax William Ruto oo ka soo jeeda qabiilka kalaajiinta waxayna awoodda madaxweeyna-nimo ka ilaalinayaan qabiilka Jalwo-da. qabiilka kalaajiinta waxaa sidoo kale ka soo jeeda madaxweeynihii 2aad ee dalka kenya Daniel Arap Moi. dabcan inuu Daniel Tarotchi Arap Moi dalka kenya madaxweeyne ka noqdo waxay ahayd ogolaanshiyo iyo taageero uu ka haystay qabiilka kikuyada.
Taariikhyada ayaa mar 2aad iyadu isa soo celisay waxa hadda ka dhacaya dalka kenya waa uun wixii Horay uuga soo dhacay taariikh ahaan. Sidaa awgeed Raila Odinga wuxuu marayaa uun halkii uu Aabihii maray.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.
Dr.Ahmed Hasan Saalah
axmeddeeq500@gmail.com