Waad na waanisoo
Adiguna waddaye
Waayahay wadaad,
Waddankii dhammaa
Wax yar siisataye
Waayahay wadaad.
Beryahan waxa dadweynaha Somaliland ka dhex socda laba doodood oo is barbar yaal oo ku saabsan Xeerka Bangiyada Ganacsiga ee hor yaalla Golaha Wakiillada Somaliland. Dad badani waxay ku doodayaan in bangiyada dul-saarka (ribada) leh aan la oggolaan in laga furo Somaliland maadaama ay diintu ribada xaaraantimaysay.
Dad kalena waxay qabaan in bangiyada ganacsiga aan laga maarmi karayn mar haddii JPMorgan Chase iyo bangiyo la mid ahi ay ka furan yihiin Makka iyo caasimadaha kale ee muslimiinta, Somaliland-na aanay noqon karin waddanka kaliya ee aan lahayn bangiyada ganacsiga oo fududeeya maalgashiga iyo koboca ganacsiga.
Dood saddexaad oo maalmahan soo korodhayna waxay leedahay bangiyadii ganacsiga ee ribada lahaa oo jaldi Islaami ah soo gashaday waabay ka furan yihiin Somaliland, waxa la isku haystaana ma aha ribada’e waa dano dhaqaale iyo tartan ganacsi.
Doodahani waxay dadweynaha ka dhex abuureen buuq iyo sawaxan. Midkooda saxsani ha innoo damabeeyo’e, waa maxay doorka ay wadaaddadu ka ciyaarayaan arrinkan? Ma dano dhaqaale ayay u sare kaceen mise difaac diineed? Mise labadaba?
Maalmihii Sucuudigu dagaalka ku qaaday Xuutiyiinta Yemen waxa lagu war helay iyada oo masaajiddada Hargeysa badankooda khudbadaha Jimcaha lagaga hadlayo Shiicada iyo sida ay waajibka u tahay in lala dagaalamo. Sidoo kale Jimcihii shalay masaajiddada badankooda waxa laga jeediyey khudbado ka hadlaya xumaanta xeerka bangiyada ganacsiga. Khudbadahaas oo u muuqday qaar abaabulan waxay masaajiddada uga qabsoomeen hannaan isku mid ah oo laga biqi karo in ay keenaan kacdoon dadweyne.
Culimadu waxay innaga mudan yihiin sharaf iyo karaamo xaqna way u leeyihiin in ay ka dardaar-weriyaan ribada. Hase ahaatee waxa ayaan-darro weyn noqonaysa haddii wadaadku dan uu gaar u leeyahay ummadda u tuso dan diineed isaga oo ka faa’iidaysanaya kalsoonida ay dadku ku qabaan cumaamaddiisa.
Waxa jira tuhun xogogaal u dhow oo sheegaya in dhawr bangi oo Hargeysa ka furan oo isku caleemo-saaray in ay yihiin bangiyo Islaami ah ay dagaal daaha dabadiisa ah kula jiraan Xeerka Bangiyada Ganacsiga. Waxa la werinayaa in wadaaddada codka dheer ku dhawaaqaya badankoodu ay bangiyadan wax ku leeyihiin!
Diinta Islaamku waa ay diidday in daymaha dulsaar la dul dhigto iyada oo loo naxariisanayo dan-yarta iyo wax-ma-haysatada u baahan daymaha iyo gacan-qabadka. Laakiin bangiyada Hargeysa ka furani daymaha ay dadka siiyaan waxay ku xidhaan shuruudo qalafsan oo sida loo buuxiyaa ay adag tahay, waxayna amaah-qaatayaasha ka dalbadaan in ay 12 bilood gudahood ku bixiyaan dayntii oo 10% dheeraad ahi saaran tahay, halka bangiyada ganacsiga ee ay hor taagan yihiin dadka saaraan inta u dhaxaysa 3% ilaa 5%, amaah-qaatahana ka dalbaan in uu daynta ku bixiyo mararka qaar tobannaan sanno. Waa su’aale labadani maxay ku kala duwan yihiin? Keebaa se la odhan karaa waa dhiig-miirte?
Ku darsoo bangiyada loogu yeedho “Islaamiga” ee Somaliland ka furan mid waliba sida la sheegay wuxu xisaabaad ku leeyahay bangiyada caalamiga ah ee xeerkooda dooddu ka taagan tahay. Su’aashu waxay tahay Islaamnimada iyo ribo-diidku ma inta xuduudda Somaliland lagu jiro oo kali ah baa? Mise arrinku waa “bakhtiga ma cunee fuudkiisaan cabbaa?”
Su’aal kale oo la is weydiin karaa waxay tahay khudbadahan lagaga hadlo Shiicada iyo xeerka bangiyada maxaa loogaga hadli waayey qaddiyaha kale ee muhiimka ah ee iyaguna u baahan hiilka wadaaddada? Maxaa loo arki la’yahay wadaaddada oo isku ballansaday sidii in ay dagaal uga geli lahaayeen caddaalad-darrada dul saaran dadka la hayb-sooco amaba iyaga oo ka digaya amni-darrada ka iman karta kooxaha argagixisada loogu yeedho ee ka hawl-gala Bariga Afrika oo masaafo ahaan innooga dhaw Shiicada?
Maanta waxaynu joognaa maalin wadaadka la jecel yahay. Haddiise wadaadku uu dantiisa gaar ah iyo diinta kala sooci kari waayo, shaqada muhiimka ah ee uu ummadda u hayana daacadnimo ku qaban waayo, waxa iman doonta maalin dhegaha laga furaysto.
Bandhige News