Qaybta Afaraad
Xidhiidhka Turkiga iyo Maraykan
Waxaa ay ahayd in aan daah-furno colaadda u dhexaysa Madaxweyne Erdogan iyo Xarrakada Gulen. Hase ahaatee, waxaa ka soo soke maray dhacdooyinka soo socda. Sheekada aan iftiiminayno ayaa ah mid isa soo taraysa (developing story) taasoo keentay in uu qoraalku hakado maalmo annagoo si soke ugu kuur gelaynay waxii dhacayay.
Haddaba Maxaa Soo Kordhay Maalmahii Tegay?
Madaxweyne Tayyip Erdogan waxaa uu si rasmi ah ugu eedeeyay Maraykanka in uu magan gelinayo wadaadkii ka danbeeyay inqilaabka Fathullah iyo in Maraykanku wax ka ogaa qorshaha lagu manjo-xaabinayay dalkiisa. Waxaana uu ka dalbaday in ay soo dhiibaan eedaysanaha. Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxaa uu sheegay in uu cafis u fidiyay boqolaal qof oo lagu soo oogay in ay aflagaadeeyeen madaxweynaha.
Si la mid ah, Erdogan waxaa uu carrabka ku dhuftay General Joseph L. Votel, Taliyahii hore ee ciidanka Maraykanka ee Afqaanistaan inuu isku duwayay waxyeeladii lala maaganaa dalkiisa. Hase ahaatee, jananka ayaa si faahfaahsan u beeniyay eedda looga tuuray Korka. Ku-xigeenka Afhayaha Aqalka Cad, ayaa isaguna ka warceliyay eedda loo soo jeediyay dalkiisa waxaana uu sheegay dawladda Maraykanku in aanay u haynin wax war iyo wacaal ah. Afhayeenku, waxaa uu ku afgobaadsaday, saacadahii ugu horeeyay, in dalkiisu si rasmi ah u canbaareeyay inqilaabka, una taageeray xukuumadda doorashada ku timid.
Dhanka kale, ilaa hadda waxaa shaqada laga eryay ama jeelka loo jiiday 60,000 qof oo isugu jira shaqaalahii gaashaan-dhigga, booliska, waxbarashada, garsoorka iyo rayidka iyagoo lagu soo eedeeyay in ay ku lug lahaayeen inqilaabkii 15ka July.
Waxaa cagta la mariyay warbaahinta gaarka ah iyadoo albaabada loo xidhay 3 wakaalad warar, 16 telifishan, 23 idaacadood, 45 wargeys maalinle, 15 mujaladood iyo 29 madbacadood. Saxaafadda waxaa lagu eedeeyay in ay u adeegaysay Xarrakada Gulen.
Tiro 1,684 ka tirsan saraakiisha ciidanka oo ay ku jiraan 127 janan iyo 32 admirals (ciidanka badda) ayaa laga cafiyay shaqada. Isla markaa, ciidanka oo ku jira dib-u-habayn, waxaa hawlgab la geliyay 48 janan, halka 99 korneel lagu tolay derajada janan.
Dalku waxaa uu ku jira xaalad degdeg ah, taasoo madaxweynaha awood u siinaysa in uu ku xukumo qallinkiisa isagoo aan talo ugu laaban golayaasha qaran. Sidaa awgeed, ciidamada booliska ee u tababaran sida milateriga (gendarmerie) iyo ciidamada Ilaalada Xeebaha waxaa Madaxweynahu uu hoos geeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Tallaabadan waxaa loo arkaa dhirbaaxo culus oo ku dhacday gaashaan-dhigga. Sidoo kale, Wakaaladda Nabadsugidda Qaranka, hadda ka dib, waxaa looga arrimin doonaa xafiiska Madaxtooyada.
Wasiirka Gaashaan-dhigga ayaa caddeeyay 8,651 ciidan ah in ay ka qaybqaateen inqilaabkii iyagoo ka amar qaadanayay wadaadka Fethullah Gulen ee masaafuriska ku jooga Maraykan. Wasiirku waxaa uu sheegay inqilaabka in loo adeegsaday 35 dayuuradaha nooca jetka, 37 kuwa qummaatiga u kaca (helicopters), 37 taangi gurguurta iyo 246 gaadiidka gaashaaman. Isku deygu waxaa uu salfaday dhimasho 246 qof, dhaawac 2,000 qof iyo burburka xarumo qaran.
Waxaa kale oo xusid mudan in shaqada laga eryay tiro 1,112 ka mid ahaa macalimiinta, culumada iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Diinta. Waxaa xabsiga loo taxaabay badhasaabkii hore ee caasimadda Istanbul iyo labo janan oo ay soo dhiibtay dawladda Imaraatku iyagoo ka soo laabtay hawl ay ku joogeen dalka Afqaanistaan.
Xidhiidhka Turkiga iyo Maraykanka oo Sii Xumaanaya
Wargeyska afka dheer Yeni Safak ee daacadda u ah xukuumadda ayaa sheegay General John F. Campbell, Taliyihii hore ee ciidanka Maraykan ee Afqaanistaan in uu gacan weyn ku lahaa hawlgalka lagu tuurayay xukuumadda Erdogan. Sida wargeysku uu sheegay, lacag ka badan laba bilyan oo Doollar ($ 2 billion) ayuu jananku ka soo xawilay baananka Nigeria si loogu fuliyo hawlgalkii dhicisoobay. Waxaa wargeysku sheegay lacagtaas in loo dhiibay raggii horseedka ka ahaa inqilaabka.
Isla markaa, Xeer-ilaalintu waxaa ay si kedis ah u baadheen saldhigga ciidanka cirka ee Icirlik halkaas oo ay ka soo xidheen taliyahii saldhigga General Bekir Ercan Van iyo labaatameeyo saraakiil sare ah. Ciidamada Maraykanka iyo NATO waxaa ay Saldhigga Icirlik u adeegsadaan in ay kaga soo duulaan xoogagga argagaxisada ee dawladda Islaamka (Daacish) ee Suuriya iyo Ciraaq. Ilaa kun qof ayaa Khamiistii ku bannaan-baxay saldhigga hortiisa iyagoo ku dhawaaqayay in la xidho saldhigga kuna tilmaamay “meel laga maleegayo dhagarta ummadu.”
Waxaa si weyn u sii xumaanaya xidhiidhka labada dal ka dib markii Turkigu ka codsaday Maraykanka in loo soo gacan geliyo wadaadka Fathullah iyo ragga ku hareeraysan oo loo aaneeyay inqilaabkii fashilmay. Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mevlut Cavusoglu, waxaa uu ka digay inuu Maraykanku ku sii faro-adaygo wadaadka eedda loo haysto. Arrinta waxaa sii ragaadisay markii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Turkiga uu ku eedeeyay sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo FBI in ay Xarrakada Gulen u soo carbiyeen sidii loo afgembiye lahaa xukuumadda.
Loollanka Erdogan iyo Gulen
Loollanka ka dhexeeya xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarinta (AKP) iyo ururka Islaamiga ah ee Xarrakada Gulen (GM) waxaa uu soo jiitamayay 13 sanno. Waxii ka horreeyay, labada urur hal dhinac ayay u wada jiidayeen xadhiga. Waxaa ay si wadajir ah ugu ololeeyaan nidaamka dimuqraadiga si loogu sargooyo diinta Islaamka. Waxaa ay isku raacsan yahiin in la isu baacin karo labada nidaam iyadoo aan waxba loo dhimmayn diinta Islaamka.
Halkee ayay iska qaniineen Erdogan iyo Gulen?
Waxaa ay ahayd 17kii December 2013, markii baadhitaan ba’an lagu qaaday xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Erdogan. Badhitaanka oo ay iska kaashadeen xeer-ilaalinta, booliska iyo maxkamadaha waxaa cawda loogu jarayay madaxdii Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta (AKP) ee uu ka talinayay Erdogan iyagoo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq baahsan.
Ilaa 52 qof oo xidhiidh la lahaa xisbiga talada haya ayaa maalintaa loo taxaabay xabsiga. Xeer-ilaalintu waxaa ay denbi ku soo oogtay 14 qof oo uu ka mid ahaa Agaasimahii Guud ee Baanka Halkbank, ganacsato xidhiidh soke la lahaa Erdogan iyo 3 maareeye, isla markaana, ahaa ubadkii wasiirada arrimaha gudaha, ganacsiga iyo qorshaynta. Waxaa kale oo la xidhay maayaro iyo saraakiil rayid ah. Dhammaan dadka la soo eedeeyay waxaa lagu soo oogay musuq, lunsasho hanti qaran iyo eex. Waxaana lagu soo qabtay lacag ka badan 17 milyan oo Doollar caddaan ah oo sida la sheegay loo bixiyay laaluush.
Waxaa qorshaysnaa maalmo ka dib in la qaado olole kale oo xididada loogu siibo musuqa. Se waxaa la helay xogta in raca labaad ay ku jiraan labo wiil oo u dhaly Madaxweyne Erdogan, Bilal iyo Burak iyo ganacsato Sacuudi ah oo uu la lahaa xidhiidh ganacsi.
Erdogan markii uu ogaaday in ay Xarrakada Gulen ka danbaysay ololaha socday waxaa uu kaga jawaabay inuu durbaba xilka ka qaado 350 sarakiil boolis ah iyo inuu eryo xeer-ilaalintii guud isagoo magacaabay dad daacad u ah si ay isu hortaagaan una baajiyaan baadhitaanka iyo xadhiga loo goyn lahaa racii labaad. Erdogan waxaa uu sheegay in isaga loo dan lahaa balse cid kasta oo soo maleegtay “afgemigan aan dhiiggu ku daadan” in ay ku hungoobi doonaan.
Ra’iisal wasaarahu si uu isu difaaco, 25kii December, waxaa uu isku shaandheeyay xukuumadii isagoo eryay toban wasiir. Isla markaa waxaa is casilay wasiiradii la soo eedeeyay wiilashooda. Wasiirkii qorshayntu ayaa ra’iisal wsaaraha u soo jeediyay in uu isaguna is casilo. Maalintaa, waxaa xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta iska casilay madax loo tirinayo Xarrakada Gulen. Waxaana ka mid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Idris Naim Sahin, wasiirkii hore ee dhaqanka, Haluk Ozdalga iyo afar xildhibaan oo ka tirsan barlaamaanka. Waxaa xukuumadda lagu eedeeyay in ay adeegsatay awood dheeraad ah si loo laalo hawlgalka la dagaalanka musuqa.
Inkastoo hoggaamiyaha Xarrakada Gulen uu warbaahinta ka sheegay in ay aanay lug ku lahayn wax kastoo lagu shirqoolayo xukuumadda, Erdogan waxaa uu xilka ka xayuubiyay kumanyaal boolis, xeer-ilaalin iyo garsoor ah. Isla markaa, waxaa uu xidhay ururo badan oo ay maamusho xarrakado ka dib markii uu helay taageerada xisbiyada mucaaridka oo iyagu laftoodu si xoog leh u dhaleeceeyay Xarrakada Gulen.
Waxaad mooda hawlaha xilligan socdaa in ay dhammays u yahiin kuwii uu ku tallaabsaday Erdogan 13 sannadood ka hor markii ay kala xadhig furteen Xarrakada Gulen.
Sidii colaaddu u dhex miratay, Erdogan waxaa uu xarrakada Gulen u arkaa in ay sheegtaan rayid iyo hay’ad samafal oo aan danayn siyaasadda. “Xarrakada Gulen ma oggola in ay isu diiwaan geliyaan xisbi siyaasadeed, si ay ugu tartamaan kuraasta u hillaacaysa,” ayuu sheegay Erdogan, waxaana uu ku ladhay, “isla markaana, ma ay oggola in ay siyaasadda faraha kala baxaan.” Waxaana uu ku tilmaamay duul si qotto dheer ugu dhex milmay siyaasadda, isagoo ku tiraabay in ay yahiin “dawlad, dawladda ku hoos jirta.”
Dad faro badan oo u dhuun daloola siyaasadda Turkiga, muxaafid iyo mucaaradba, waxaa ay aaminsan yahiin Xarrakada Gulen in ay si weyn uga dhex muuqato talisyada mileteri, boolis iyo garsoor ee dalka. Waxaa ay taageero ku leeyahiin barlamaanka dhexdiisa. Sidoo kale, Waxaa ay si mug leh gacanta ugu hayaan wasaaradaha waxbarashada caafimaadka iyo arrimaha gudaha.
Xarrakada Gulen waxaa ay si dadban ugu dhex jirtaa siyaasadda iyadoo shakhsiyaad daacad u ah ay ku firidhsan yahiin xisbiyada dalka. Tilmaam ahaan siyaasiga Ekmeleddin Ihsanoglu oo si indho la’aan ah u taabaca Xarrakada Gulen waxaa uu Jagada Madaxweyne kula tartamay Erdogan 2014. Ekmeleddin waxaa soo sharraxay xisbiyada mucaaradka ee CHP iyo MHP. Hase ahaatee, Erdogan waxaa uu kaga guulaystay 51.79% keliya. Mar kale, 2015 Ekmeleddin waxaa uu u tartamay Guddoomiyaha Barlamaanka. Waxaana lagu reebay wareeggii 3aad. Waxaa ka guulaystay marrashaxii xisbigii xukuumadda Mudane Ismet Yilmaz.
Sannadkan 2016, mar lagu guda jiray baadhista farriimaha (emails) Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maraykanka haddana ah murrashaxa madaxweyne, Hillary Clinton, waxaa laga helay farriin Xarrakada Gulen u dirtay taasoo ay ka codsadeen inay u suurta-geliso kulan dhexmara Madaxweyne Obama iyo siyaasiga Ekmeleddin Ihsanoglu oo ah ninkii la tartamay Erdogan. Waxaa la sheegay in uu suurtagalay kulankii maalmo ka dib markii farriintu gaadhay. Xarrakada Gulen, sida la sheegay. waxaa ay Ururka Clinton ugu deeqday lacag u dhexaysay $500,000 ilaa $1 milyan oo dollar.
Haddaba, sidee Erdogan uga badbaaday shirqoolka xarrakadan awoodda badan? Sidee u suurtoobaysaa inuu ka takhaluso ururkan xididadiisu si qotto dheer u daadsan yahiin hoosta haykalka dawladeed? Ma se dhici kartaa qaab ay dib isugu soo noqon karaan? Jawaabaha iyo waxii faallo dheeraad ah ka akhri Qaybta 5aad.
Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter @horrimania