X

Soomaaliya Ma jirto Dawlad Lagu Aamini karo Hubka

Araweelo News Network.

 

 

Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa soo saaray qaraar ay Soomaaliya ugu kordhinayaan cuna qabataynta Hubka, sababtoo ah Soomaaliya ma jirto dawlad lagu aamini karo hubka calculus, iyo dhaqaalaha xoogga baddan ee beesha caalamku ay uugu deeqo dalka Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed loo gaadhsiiyo.

 

Hubka iyo waxa yar ee lacagaha deynta ah ee caalamku ugu deeqo Soomaaliya waxaa kala goosanaya Madaxda musuq-maasuqa ku shaqaysata ee talada dalka Soomaaliya haya.

 

Dowladda Soomaaliya waa dowlad daciif ah oo uu musuq -maasuq hadheeyey. Dalka Soomaaliya oo ah dal fashilmay kama  jirto Hufnaan dhanka isla xisaabtan ka ah.

Sidoo kale ma jiraan Hay’addo dowli ah oo madaxbanaan oo la dagaalama musuq-maasuqa iyo dembiyada xattooyada hantida Qaranka. Waxa kale oo xusid muddan in dowladda fadhiidhka ah ee Soomaaliya aannay lahayn shuruuc adag oo la dagaalanka musuq-maasuqa , iyo hay’addihii fulinta shuruucda dalka oo si madax bannaan u shaqeeya.

 

Madaxwerynaha iyo wasiirrada cid la xisaabtamaysaa kama jirto halkaa kartaa, taas ayaa sababtay in nin kasta booska uu joogo wuxuu doono sameeyo, isagoo xilka uu hayo si aan caadi ahayn uga faa’idaysta, mana jirto wax cabsi ah oo ka haysa la xisaabtan iyo wax sharci ah oo uu ka baqayo. sidaa awgeed In gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay sii adkayso Cuna qabataynta hubka ee SAARAN soomaaliya waa go’aan wanaagsan oo aan soo dhowaynayo.

 

Iskaba daa waxaas oo dhane waxaan beesha caalamka u sheegaya inay Qabiillada Soomalaiyeed kala aamin baxeen oo aannay waxba wada lahaan Karin iyo hub baddan oo la siiyay Soomaaliya oo dawladda Muqdisho la siiyay oo la ogaaday inuu gacanta u gaaly kooxo gaar ah iyo kuwa loogu yeedho Argagixisada ee Al shabaab, sida marar baddan lagu sheegay warbixinaha ICG iyo Hay’addo kale oo caalami ah,  sidaa awgeed beesha caalamka waa inay Guud ahaan joojisaa macaamilka iyo deeqaha ay ku bixiso magaca Soomaiyeed, maadaama beelo gooniya ay gacanta u gelayaan oo wax yar ee ay bixinayaan, isla markaana aannay gaadhiin dadkii shacabka ahaa ee si gaara ah.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post