X

Somaliland Waxay Ka Mid Ahayd Dhulkii Qaarada Afrika Ee Ingiriisku Qayb U Qaatay

Araweelo News Network.

Somaliland Waxay Sabab U Ahayd Xorriyadii Soomaalida Talyaaniga iyo Soomaalida Djibouti

Tani waa khariiradda Qaaradda Afrika ee sanandkii 1884-85. Khariiradda waxaa ka muuqda sidii Guumayatyaasha reer yurub ay u kala qabsadeen dhulalka Qaaradda afrika.

Tani waa khariiradda Qaaradda Afrika ee sanandkii 1884-85. Khariiradda waxaa ka muuqda sidii Guumayatyaasha reer yurub ay u kala qabsadeen dhulalka Qaaradda afrika.

Markii ay waddmada Qaaradda Afrika qaateen gobbonimada waxa lagu sheegay Qaaradda sanadkii 1960, waxayna noqdeen waddamo madax banaan oo leh  xuduudihii uu u sameeyey Guumaysiga reer yurub ( Colonial boders).

 

Somaliland haddii aannay iyadu dooran lahayn midnimada Soomaaliya sannadkii 1960 maanta waxya la mid ahaan lahayd waddamda Kenya, South Afrika, Nigeria, iyo Uganda, kuwaas oo xorriyadda ka qaatay boqortooyadii ingiriiska ee Gumaysan jirtay, wallow ay Somaliland kaga duwanayd dalalkaa, iyadoo Boqortooyadii Britain heshiis kusoo gashay oo ay (Somaliland Protectorate)  maxmiyad ahayd .

Arrintani ma oga dadka Gobollada koonfurta Soomaaliya , oo waxay u haystaan in Soomaaliya weligeed sidaa Iska ahayd, weliba in ay ka xoroobaan gumaysigii Talyaaniga waxa doorka ugu weyn ku lahaa dadka Somaliland, iyadoo labadii aqoonyahan ee reer Somaliland oo ahaa halgamayaal  Alex Salool and Micheal Micheal Mariano sabab u ahaayeen xoriyada Soomaaliya,  Waayo haddii ay taariikhdaa sidaa u ogaan lahaayeen waxay u garaabi lahaayeen dadka reer Somaliland.

 

Soomaaliya maaha keliya Gobollada Koonfureed ee Talyaanigu Guumaysan jiray,  balse Soomaaliya waxay ahayd riyo intaa ka ballaadhan, taasi oo ahayd  in la mideeyo 5tii Gobol ee Soomaaliyeed, kuwaas oo ay Guumaystyaahsa reer yurub ku kala qaybsadeen  magaalada Baarliin ee dalka jarlmalka sannadkii 1884.

Riyada SOOMAALIWEEYN, ayaa ahayd in hal dowlad loo sameeyo ummadda Soomalaiyeed, balse riyaadaasi way fashilantay ugu dambayna waxayn Noqotay mid saqiirtay.

 

Maanta dowladda muqdisho waxay raali ku tahay in Gobolka Soomaali galbeed (Ogaden region) uu Ethiopia ka tirsanaado, waxaaana caddayn inoogu filan hadalkii uu Madaxweeyne Xasan Shiikh Maxamuud ka yidhi xafladdii Furitaanka dekedda Cusub ee magaalada Garacad.  Sidoo kale, dowladda muqdisho waxay raalli ku tahay in Gobolka NFD Kenya ka mid ahaado.  Sidoo kale waxay ogoshahay inay Djibouti ahaato dal madax bannaan.

 

Haddaba sow lama odhan karo waxaa si gooniya loo xaasidayaa Somaliland oo ahayd dalkii dadkiisu keeneen in la mideeyo 5tii Soomaaliyeed iyo weliba inay xoroobaan Soomaaliyadii Talyaaniga iyo Djibouti oo Faransiisku haystay , sidaa awgeedna ay Somaliland ku wayday xorriyaddeediii qaaliga ahayd oo weli dulmi xasuuq iyo tacadi loogu abaal guday.?

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post