X

Shirka Midawga Yurub Oo Loo Diiday Maraykanka Iyo Erdogan Oo Lagu Bahdilay

Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron Muxuu Kaga Jawaabay Dalabkii Madaxweynaha Turkiga Rajjab Tayyib Erdoga

Araweelo News Network.

Kulan siyaasadeed looga tashanayo in Midowga Yurub loo beddelo dowladod midaysan sida dalka Maraykanka oo kale ayaa uga bilowday Caasimadda jamhuuriyadda jeegga ee Baraag shirkaa oo fikirkiisa uu lahaa Madaxweeynaha dalka faransiiska Emanuweel Maakroon (Emanuel Macron ). Waxaa ka Qayb galay 47 dowladood oo Qaararradda yurub ah. Waxaana lagu casuumay dowladdaha Turkey, isra’iil, joorjiya ( Georgia) iyo Armeeniya.

Markii uu dhammaaday shirkiii ayuu Madaxweeynaha Turkiga Rajjab Tayyib Erdogan u sheegay Madaxweeynaha dalka faransiiska Emanuweel maakroon in dalka Turkey uu weli Rajaynayo inuu Xubin ka noqdo Midowga Yurub.

Waxaa arrintaa ka aamusay inuu wax jawaab ah ka bixiyo Emanuel maakroon oo ah madaxweeynaha dalka faransiiska.

Xaqiiqada ayaa ah hadalkii jeesjeeska ahaa ee David kameroon sheegay sannadkii 2012, Davi Kameroon waa Raysul wasaarihii hore ee dalka ingiriiska isagoo yidhi sidan ” Dalka Turkey-gu wuxuu Xubin ka noqonayaa Midowga Yurub 1000 sano ka dib “.

Sido kale waxaa xaqiiq ah in dowladaha iyo dadka caddaanka ah ee reer yurub inaysan ogolayn sinnaaan ay kula dhaqmaan waddamada caalamka islaamka iyo waxa ay uugu yeedhaan caalamka saddexaad. Qofkii sinnaaan ka raadiya dadka caddaanka ah ee Yurub waa qof sinnaan iyo wanaag ka raadiyey ibleeys. Waayo ibleeysku wuxuu diiday inuu Banaii aadamka la sinnaado. ibleeysku sababtii uu Jannada uuga soo baxay ayaa ahayd inuu xaqiray Nebi Aadam (CS), oo uu yidhi anniga ayaa ka qiimo badan waayo waxaa layga abuuray dab holcaya , isagana waxaa laga abuuray dhoobo.

Sidaa oo kale caddaanka yurubiyaanka ah ayaa u fekeraya sidii ibliis oo kale waxay na aaminsan yihiin inay abuur ahaan ka Fadli baddan yihiin Banii’aadamka kale ee aan caddaanka ahayn. Waxay aaminsan yihiin inaysan ka sinnayn dadka kale midbkoodu uusan caddaanka ahayn.

Shirkan ka Qabsoomay caasimadda Jamhuuriyadda jeegga ee uu hormuudka u Yahay Madaxweeyanaha Faransiiska Emanuweel Makroon ayaa ah shir siyaasadeed looga tashanayo sidii loo samayn lahaa dolwladdo weeyn oo midaysan oo ay ku midaysan yihiin waddamada Midowga Yurub, kaasi la odhan doono ” dowladdaha midoobay ee Yurub ” ama ” THE UNITED STATES OF EUROPE —- USE—- “.

Shirkaa siyaasadeed ee ka dhacay caasimadda jamhuuriyadda jeegga ee Baraag ayaa loo diiday dowladda maraykanku inay ka soo qayb gasho.

WQ Dr.Ahmed Hasan Saalah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post