Sida aynu warbaahinta dunida kala socono, waxa si foolxun u fashilmay inqilaabkii Turkiga ka dhacay habeenimadii Jimcaha kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan. Inqilaabyadii Turkiga laga fuliyey sannadihii lixdamaadkii, toddobaatanaadkii, siddeetaanaadkii iyo sagagashanaadkii dhammaantood way guulaysteen. Su’aasha muhiimka ahi waxa weeyi maxaa fashiliyey inqilaabkan oo loo adeegsadaay diyaarado iyo dabaabado?
Sida ay Bandhige uga warrameen khubaro milatari ahi, qorshaha iyo ka-baaraan-degga ayaa ugu muhiimsan inqilaab kasta si uu u guulaysto. Sida muuqata si wanaagsan looma qorshayn inqilaabkan. Arrinku wuxu u eg yahay in Madaxweyne Erdogan oo fasax ku jiray ay saraakiishii inqilaabka qorshaynaysay u arkeen fursad kadib ay yidhaahdeen “innagu dhaqaajiya” iyaga oo aan ka fiirsan caqabadaha hor yaalla.
Saraakiishii inqilaabka dhigaysay ugu horrayn waxay ku fashilmeen tallaabadii koowaad ee inqilaabka taas oo ahayd in ay xidhaan ama khaarajiyaan madaxda Turkiga, gaar ahaan madaxweynaha, ra’iisal-wasaaraha, ra’iisal-wasaare-xigeenka iyo taliyaha sirdoonka. Madaxweynihii ayaa telefoon i-Phone ah kala soo hadlay dadweynaha kaas oo telefeshannaduna baahiyeen. Taasi waxay sababtay in niyaddii taageerayaasha madaxweynuhu kor u kacdo iyaga oo ogaaday in hoggaamiyahoodii nool yahay xorna yahay. Saacado kadibna wuxu soo istaagay fagaaraha Atatürk ee Istanbul isaga oo dadweynaha ugu baaqay in ay dariiqyada isugu soo baxaan. Waxa ku xigtay dadkii oo gacan ula tagay ciidamadii kana guray qoryihii iyo wixii ay hub siteen kadibna xabsiga u taxaabay.
Waxay sidoo kale ku guul-daraysteen in ay xidhaan ama khaarajiyaan saraakiishii muhiimka ahayd ee derejadoodu sarraysay ee taageersanaa xukuumadda Erdogan marka laga reebo jeneraalkii ugu sarreeyey oo ay meel ku qariyeen. Taasina waxay keentay in ciidankii markiiba kala jabaan oo kuwii xukuumadda taageersanaa ay ugaadhsadaan kuwii inqilaabka dhigayey. Tirada saraakiisha inqilaabka wadday waxa xoog uga badnaaday tirada saraakiisha inqilaabka ka hor jeedday. Waxaana fududaatay in markiiba la hanfiyo dhawrkii kun ee inqilaabka waday.
Saraakiisha inqilaabku waxay kaloo ka gaabiyeen in ay cid ku yeeshaan taangiyada iyo diyaaradaha ay gacanta ku hayeen kuwa taageersan madaxweynaha ama in ay burburiyaan si aan kuwa la inqilaabayaa u helin gurmad. Gaabiskaasi wuxu keenay in dabaabadahoodii laga hor geeyo dabaabado kale, diyaaradahoodiina iyaga oo hawada ku jira ay diyaarado kale toogtaan.
Ugu dambayn waxay inqilaabka ku tallaabsadeen iyaga oo aan siyaasiyan daciifin hoggaanka Turkiga, dadweynahana aan ka hor keeninn Madaxweynaha iyo xisbigiisa. Taasi waxay keentay in dadweynihii ay taageeraan Erdogan kana hor yimaadaa kuwii inqilaabka dhigayey halkii ay ka ahayd in ay taageeraan is-beddelka sida aalaaba aadamaha looga bartay.
Isku soo xoori, inqilaabkani wuxu u ekaa mid dadkii samaynayey ay xisaabbtu ka gadantay ama arrinkoodu ahaa is-miidaamin indho la’aan ah. Tani waxay fursad u siinaysaa in uu seefta la dhex qaado ciidamada oo uu kaga wada takhaluso cid kasta oo uu u arko in ay xukunkiisa halist ku tahay sidii uu sameeyey Jamaal Cabdinaasir 1954 markii ay ururka Akhwaanu-Muslimiinku la waayeen siddeed xabadood oo ay la damacsanaayeen in ay ku dilaan isaga oo fagaare ka khudbadaynaya. Waxay doonayeen in ay Jamaal dilaan kadibna xukunka iyagu la wareegaan laakiin natiijadii waxay noqotay in ay noqdaan wax jeelka ku qudhma iyo wax seeftu la takto. Ragga maleegay inqilaabka Turkiga waxa habboon maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd ‘Siddi siddidaada mooyee dhul-u-dhacaaga hubso.”
BANDHIGE NEWS