X

Qoxooti Ethiopian Ah Oo Kusoo Qulqulaya Somaliland Iyo Puntland

Muuqaalka Magaalada Mekelle ee Caasimada Gobolka Tigray ee Ethiopia Image File Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Dagaalada ka dhacaya Ethiopia waxay sabab u noqdeen in boqollaal kun oo qoxooti ah ay ka Qaxaan colaadaha ka jira dalka Ethiopia, Qoxootogaa ayaa u haajiraya waddamada deriska.

Soomaaliya waxay Ethiopia la leedahay xuduud dheer, xuduudda soomaaliya waa mid Iska dayacan oo aan ciidna ilaalin, waxaana Guddaha Soomaaliya ku soo qaxay boqollaal kun oo qoxooti  Ethiopian ah  gaar ahaan somaliland iyo puntland.

Qoxootiga xabashida ayaa beegsanaya magaalada boosaaso si ay uuga sii tahriibaan oo Yemen illaa sucuudiga ay ku gaadhaan.

Sidoo kale Qoxooti  baddan ayaa ku sugan Guddaha somaliland iyo puntland.  Qoxootiga Ethiopian ka ah badanaa ma aadaan  Gobollada koonfurta Soomaaliya colaadaha ka jira awgeed.

Waxaa Halis ku jira Somaliland iyo Puntland maadaama Ethiopian ku ay caan ku yihiin inay sheegtaan dhulkaa weliba damacooda Taariikhiga ah ayaa ah inay Badda la wareegeen tab iyo xeelad kasta oo ay kula wareegi karaan.

Haddii ay doonaan ciidamadii Badda ee Ay Ethiopia samaystay ayaa qoxooti Iska soo dhigay oo xagga Badda naga maraya.  Waana arrin hadday xagga badda naga maraana Somaliland iyo maamulka Soomaaliya ee Puntland kama hadli karaan oo Ethiopia waxaaba kala dhexaysa wada shaqayn iyo saaxiibtinimo dhow.

Dhowaan puntland waxaa soo booqday saraakiisha sar sare oo millateriga iyo sirdoonka Ethiopia ah , waxaana ku Faanay madaxda puntland.

Shacabka soomaaliyeed gaar ahaan reer Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland indhihiina si taxxaddar leh u furaan oo arrimahan si feejignaani ku jirto hawla socdaan.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post