X

Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Muujiyay Fulaynimo Siyaasadeed.By, Drs Hoodo Yusuf

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo ayaa muujiyay fulaynimo siyaasadeed markii uu ka maagay inuu go’aan ka qaato saami-qaybsiga Golaha Wakiiladda. Xukuumadda Kulmiye oo xukunka haysay muddo dhan lix sano & saddex bilood ,ayaa ku fashilantay inay ku dhiirato qabashada doorashada Golaha Wakiiladda. Caqabadaha ugu waawayn ee keenay fashilka saami-qaybsiga wax ka mida ah damaca Gobolka Maroodijeex & awdal oo doonaya in kuraasta baarlamaanka ( seats ) lagu sargooyo tirada dadkii u codeeyay doorashadii Golaha Wakiilada ee Sept,2005 .Waxay tusale u soo qaadanayaan in xildhibaanka Hargeisa kusoo baxay 12,650 cod, Saaxil 5,100 cod, Sool 1,750 cod sida ku cad shaxda hoose ee doorashii Golaha Wakiilada Sept,2005.


Waxay ku doodayaan in la qaato habka lagaga dhaqmo Wadamada Reer Galbeedka oo ka salaysan tirada guud ee dadka ku nool Goboladda “ National census “.Haddii lagu saleeyo tiradda dadkii codeeyay Sept, 2005, oo ahayd 671,000 loona qaybiyo National Average oo dhan 8,180 , labada Gobol ee Galbeedku ( Awdal & Hargeisa ), waxay qaadanayaan 47 seats oo u dhiganta 58% Xildhibaanada Golaha Wakiiladda, halka Gobolka Sool helaayo 3 Kursi, sida ku cad shaxda hoose:


GEBA-GEBO :
1). Distoorku qaranku wuxuu qeexaya in kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo tirada guud ee dadka ( National population ) oo ay ku jiraan dadka da’adou ka yartay 18 sano, ee maaha “ Registered Voters” , oo ah sida qaldan ee ay u fahmeen Reer Galbeedku.Weli si dhab ah looma tirin tirada dadka ku nool Gobolada Somaliland “ National census”, mana hawl yara si higsigaas lagu gaadha. Waxay qaadan doonta ugu yaraan 20 more years.
2).Madaxwayne Siilaanyo wuxuu muujiyay fulaynimo siyaasadeed, oo aan looga baran, Laakinse waa geesi marka uu xoolaha ummada xaraashaayo.
3). Waxa muuqata inuu Maso’oliyadaas culus uu ku riixay Dr.Cirro oo la filaayo inuu noqdo Madaxweynaha bedelaaya Madaxweyne Siilaanyo.

Drs Hoodo Yusuf, London , Uk.
yhoodo@yahoo.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post