Waa kuma Ninka Kootada ku xidhay Xafiiska Warbaahinta ee guddidu?
Maxaa sabab u ah manjaro-habowga howlaha Guddida Doorashooyinka?
Maqnaashiyaha doorka warbaahinta casriga ah ee wacyi-gelinta Bulshadu Saameyn intee le’eeg ayuu ku yeelan karaa muuqaalka Doorashada…?
Guddida Doorashooyinku waa Garsoore gacanta ku haya howl xaasaasi ah. Waxa saaran saddex masuuliyadood oo cul-culus, kuwaasoo kala ah;
Inay qabtaan Doorasho ka fog madmadow iyo musuqmaasuq.
inay Doorashada ka hor iyo kaddib Asxaabta ku ilaaliyaan ku-dhaqanka Anshaxa Doorashada.
Iyo inay Bulshada ku wacyi-geliyaan qaabka ay wax u dooranayso iyo tilmaamaha hanaanka codbixinta, iyagoo adeegsanaya talaabo kasta oo shacbiga lagu gaadhsiinayo wacyi-gelinta .
Saddexdan masuuliyadood waxay mid waliba xambaarsan tahay tobanaan waajibaad iyo nidaam maamul oo hoos-yimaada.
Arrintan koowaad ah oo qabasho Doorasho Xor oo xalaal ha, taasoo aan yeellan wax madmadow ah, waa howsha ugu weyn ee u taalla 40 maalmood ee soo socda, waana mid ay ku metelaan masiirka umadda, gacantooda ayaanu ku jiraa mustaqbalka Somaliland, walise lama gaadhin xilli lagu amaanno ama lagu dhaliilo.
Qodobka labaad ee ah inay asxaabta iyo Murrashaxiinta u tartamaya jagada Madaxtinimada ku ilaaliyaan xeerka Anshaxa Doorashada, ilaa iyo hadda sida muuqata dhaliil badan ayaa looga soo jeedinayaa, waxaana muuqata inaanay xisbiyadu waxba iskaga tirinayn awaamiirta ay soo jeedinayaan, iyaguna dhankooda ka gaabinayaan inay talaabooyin sharci ka qaadaan xisbiga xad-gudub sameeya.
Waxa aad u liita luuqada ay isticmaalayaan marka ay la hadlayaan xisbiyada iyo Taageerayaashooda, waxaanay taasi keentay inaanay saameyn weyn yeellan dhambaalada sharci ee ay doonayaan inay ku xakameeyaan xad-gudubyada dhaca, taasoo soo dedejinaysa kalsooni darro shacbigu ka muujiyo howl-karnimadooda.
Iyadoo dhaliilsha looga jeedinayo ilaalinta hab-dhaqanka Doorasha ay la wadaagaan Xisbiyada Qaranku, waxa marag iyo markhaati ma doon ah inay Shacbigu ka walaacsan yihiin habka wax u socdaan iyo kala-dameyn la’aanta soo if baxaysa iyada oo aan la gaadhin maalmihii ugu adkaa ee Doorashada.
Qodobka saddexaad ee Wacyi-gelintu waa midka dhibaatada ugu weyni ay ka taagan tahay ee curyaamiyey guud ahaan u diyaar-garowga Doorashada.
Wacyi-gelintu waxay u qaybsantaa laba qaybood oo mid waliba gaarkeeda u samayso faracyo badan oo siyaabo kala duwan bulshada loogu gaadhsiiyo tilmaamaha iyo tallooyinka khuseeya Doorashada, codbixinta iyo ilaalinta hab-dhaqanka, iyadoo looga gol-leeyahay in muwaadinka la fahamsiiyo dariiqa uu marayo marka uu soo gaadho safka goob-doorashada ilaa iyo marka uu sanduuqa ku hubsanayo Waraaqda codbixinta iyo inaanay ku dhaqmin wax ka hor imanaya sharciga, sida inuu isku-dayo inuu laba jeer codeeyo iyo wixii la mida.
Labada Nidaam ee wacyi-gelinta Doorashadu waxay kala yihiin, Habka Warbaahinta iyo habka la kulanka Bulshada, kuwaasoo sii kala saameyn badan laftoodu.
Labadan qaab-wacyi-gelineed midna kuma wanaagsana Guddida Doorashooyinka Qaranku ilaa iyo markii Diwaan-gelinta codbixiyeyaashu socotay, waana sababta keentay inay ilaa xad yaraadaan tirada codbixiyeyaasha is-diwaangeliyey.
Nidaamka wacyi-gelinta Warbaahinta oo ah midka ugu saameynta badan, ayey guddidu si caajis badani ka muuqdo u adeegsanaysay tan iyo markii howlaha Doorashadu bilaabmeen. Waxa kale oo nasiib-darro ah inaanay adeegsan ama qorshaha wacyi-gelinta ku darsan qaybta saameynta badan warbaahinta oo ah Warbaahinta Internet-ka ku shaqaysa, taasoo ah midda ugu afka dheer, ugu fudud xagga helida, ugu shaqada badan Somaliland Wakhtigan.
Indho ka lallinta Guddida Doorashada ee la xidhiidha doorka warbaahinta Mareeguhu ka qaadan karaan Wacyi-gelinta codbixiyeyaashu, waxay halis iyo habacsanaan isbarkaday ku noqonaysaa howsha Doorashada oo dhan.
Geesta kale, haddaan eegno Warbaahinta loo ogol yahay Wacyi-gelinta inay baahiyaan oo ah Idaacada Dawladda, Telefishannada Maxaliga ah iyo Wargeysyada, inkasta oo ay jiraan farriimo wacyi-gelineed oo ka socda Shaashadaha Telefishanada iyo kuwo ku soo baxa bogga hore ee Wargeysyada, waxa jirta in iyaga laftooda qaab aad u liita uu ula macaamilo Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Guddidu, kaasoo uu madax ka yahay nin la yidhaahdo Siciid
Siciid Sheekeeye, madaxa warfaafinta ee NEC
Sheekeeye oo ah Nin qurbo-joog ah oo aan waxba kala socon wacyiga iyo waayaha Waddanka ka jira iyo habka ay Warbaahintu u shaqayso.
Waxa xaqiiqo ah in tan iyo markii ninkaasi la wareegay Xafiiska Warbaahinta Komishanka ay meesha ka baxday wada shaqayntii Warbaahinta qaybaheeda kala duwan iyo Guddida Doorashooyinku, taasoo ay sabab u yihiin arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay hab-dhaqanka Sarkaalkaasi.
Hab-dhaqanka Sarkaalkaas waxa ugu horeeya, inuu Wariyeyaasha ka howl-gala Warbaahinta kala duwan ka joojiyey inay ka qayb-galaan Shirarka jaraa’id ee guddida, isagoo taas ku bedelay inay shaqaalaha xafiiskiisu duubaan war kasta oo ay guddidu soo saarayso, kaddibna uu cajalad ugu qaybiyo Telefishanada, taasoo sababtay mad-madow iyo manjaro habow ilaa hadda oo ay dhowr todobaad ka hadhsan yihiin Doorashada, ka taagan guud ahaan qaabka Guddidu u shaqayso.
Dhaqamada sarkaalkaas waxa kake oo kamida inuu kala-shaxaado Kharashaadka Guddidu u qorsheyso howl-qabadka Warbaahinta iyo baahinta Barmaamujyada iyo Wararka ay soo saaraan ee muhiimka u ah in bulshada loogu gudbiyo si ku filan. Kharashka uu kala shaxaado waxa kamid ah Dhaqaalaha Xafiiska guddidu ku bixiyo Wacyi-gelinta oo uu hab laaluush toosa ah iyo qaab dilaalnimo ah uga goosto lacaggo.
Waxa kale oo xusid mudan in mar kasta oo su’aal laga waydiiyo waxyaabaha foosha xun ee Guddida Doorashooyinku kula kacayaan saxaafadda, inuu eedda iskaga riixo xubnaha Guddida iyo Xafiiska Agaasinka guud ee Komishanka, isagoo haddana taa cakiskeeda kala ilaalinaya inay isgaadhaan Guddida iyo Warbaahintu.
Ugu dambeyn, waxa isweydiin leh goorta Guddida Doorashada ee dhaliilahani dul-hoganayaan ay saxayaan musuqmaasuqa, Maamul-xumada iyo khaladaadka badheedhka ah ee howlaha ay umadda u hayaan ragaadiyey.
la soco Warbixino taxane ah.