X

Loolanka Ruushka Iyo Reer Galbeedka

Araweelo News Network.

Jasiiradda Maaldoofa (Maldova) iyo Talyaaniga waxaa ka jira khalkhal, iyadoo baarlamaankii waddankaasi ay hareeryeen dad shacab ah. Arrintaan waxaa u sabab ah sicir-bararka ka jira waddankaa iyo sare u kaca maciishadda.

VLADIMIR Putin arrintan waxyna u tahay mid uu ku nefisayo , waayo jasiiradda Maaldoofa waxaa ku nool dad Tiro yar oo Ruush ah, kuwaas oo si toos ah uugu xidhan dal weeynaha Ruushka.

Sidoo kale maanta oo Axad doorasho ayaa ka dhacaysa dalka Talyaaniga. Qof garanaya waxa dhici doona ma jiro. sidaa oo ay tahay Weli sooma gelin qaboobihii diraacda waxaana la la dareemayaa dhibaatooyin aad u baddan oo dhan walba ah, taasi oo ka jirta Qaaradda Yurub iyo caalamka oo dhan.

Reer galbeedku uma qaadanayaan kaftan iyo hadal layska yidhi hanjabaadaha VLADIMIR Putin ee ku aaddan inuu isticmaali doono nukliyeerka. Xaqiiqadiina isagu maaha mid hadalkaa ku kaftamaya.

Dalka Maraykanka waxaa ka jira sicir-bararka dhanka suuqyada dhaqaalaha jaangooya ee waddankaa. Waxayna isku dayeen inay kula tacaalaan sare u Qaadidda faa’iidada iyadoo aan wax guul ah laga gaadhin.

Dowladdaha reer Galbeedka ayaa faafinaya dacaayado waaweeyn ( Propaganda ) ay ku weeraryaan Ruushka. Reer Galbeedka ayaa sheegaya inay caydhsanayaan Vladimir Putin iyo in aannu dib dambe u soo noqon doonin awood ahaan. Balse dhammaantood waxaasi dacaayado been abuur ah ( falsehood propaganda).

Vladimir Putin ayaa sidan soo socota ku khudbadeeyey Maalintii arabacada ahayd ee aynu soo dhaafnay.

” waxaan hortaagnahay khatar weyn oo horteena ah. Khatar lagu doonnayo in xukunkeena iyo awooddeena lagu baabi’iyo. Reer galbeedku waxay doonayaan inay na daciifiyaan oo na qaybiyaan iyo inay waddaneekana burburiyaan “.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post