Kacdoonada Ethiopia Iyo Djibouti Waxay Isu Bedeli Karaan Qalalaase Minja-xaabiya Amaanka Mandaqada Oo Fursad Siiya Kooxaha Xag-jirka Ee Ku Taamaya Inay Isku Balaadhiyaan Dunida
Faallo: By. Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Sadexdii bilood ee u danbeeyay, waxa dalalka Ethiopia iyo Djibouti oo ku yaal Mandaqada geeska Bariga Afrika, ka bilaabmay Kacdoono watay rabshado gacan ka hadal oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa, isla markaana waxay rabshaduhu sababeen in boqolaal qof xabsiyada loo taxaabay.

Kacdoonka dalka Ethiopia oo ah mid siyaasadeed, waa mid isa soo taratay sanadihii u danbeeyay, balse madaxda lasoo kacay kal hore May 2014, wuxuu si lama filaan ah u xooggaystay Oct, 2015. kadib markii Qowmiyada Oromia oo ah ta ugu baddan ku dhowaad sideetan qowmiyadood oo ku dhanqan dalka Ethiopia, gaar ahaan Kililka Afraad, si badheedh ah uga horyimaadeen qorshayaal Xukuumadda Federaalka ee Hailemariam Desalegn ku doonaysay inay ka fuliso duleedka Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Qorshaha Raysal Waasaare Hailemariam Desalegn ee Xukuumadda Federaalka, waxay si weyn uga cadhaysiisay dadka Qowmiyada Kililka Afraad ee Oromia oo u aragtay in deegaamadooda laga bara-bixinayo, waxayna arrintani sii xoojisay tabashooyin iyo cadaadis ay tirsanayeen dadka Oromia oo ku siman boqlaal sanadood, isla marakana soo taxnaa ilaa xiliyo hore iyo nidaamyadii Dergigii, ilaa Boqortooyadii guunka ahayd ee kumaanka sanadood ka talinaysay dalkaa.

Kacdoonada ay hoggaaminayeen dhalinyarada Jaamacaddaha ee Ambo student , ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 qof, sida ay faafisay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Wach oo canbaaraysay falalka ciidamada dawlada Ethiopia ee Federaalku kaga hortageen cabashooyinka dadkaa, waxaana xabsiyada loo taxaabay boqolaal qof oo qaarkood yihiin siyasiyiinta mucaaradka iyo dhalinyaro Kuwait Jaamacaddaha ee hormoodka u aha a kacdoonka , sida ay shaaciyeen Hay’addaha Xuquuquda Aadamaha. Jawaabta Xukuumadda Federaaku ka bixisay cabashooyinka Bulshada Oromia, ayaa sii kiciyay xaalada oo u muujiyay mid sii xoogaysanay, isla markaana kusii siqay dhinaca Fawdada, iyadoo arrintani indhaha rayalcaamka Bulshada kusoo jeedisay Xukuumadda Federaalka Ethiopia, isla markaana baaqyo kaga yimi dhinaca Xukuumadda Washington iyo meelo kale looga digay in dhibaato loo geysto oo la cabudhiyo dareenka dadka, balse Ethiopia oo aan looga baran inay dhegaysto dhawaaqyada beesha caalamka, waxa kama beddelin qorsheheeda ay kula tacaalayso kacdoonka ka hor yimi siyaasada iyo qorshaha dawlada Federalka, waxayna arrintani abuurtay cabsi weyn iyo inay xaalada amaanka mandaqada saamayn ku yeelato. sidoo kale Kacdoon dhiig ku daatay, ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay Dalka Djibouti oo ay jaar yihiin Somaliland iyo Ethiopia, wuxuuna kacdoonka dhiigu ku daatay kusoo beegmay maalmo kadib markii Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele sheegay inuu mar Afraad xukunka dalka u tartamayo, taas oo ka cadhaysiisay mucaaradka aan awooda baddan lahayn ee Djibouti, balse kacdoonkaa oo ay ku dhinteen dad shicib ah, isla markaana sababay dhaawacyo soo gaadha shacabka iyo Ciidamada amaanka ee Booliskaba, wuxuu noqday mid aan sii socon oo xukuumaddu shiiqiso.kadib markii awood lagu muquuniyayay.

Xukuumadda Djibouti, waxay arrintaa kala kulantay dhawaaqyo canbaarayn ah oo kaga yimi Washington iyo dunida kale, kadib markii mucaardka ku sugan dibaddu si weyn uga qayliyay tallaabooyinka Xukuumadda, balse Madaxweyne Geele oo dhacdadaa sababtay dhimashada ee dhiiga shacabku ku daatay ku sheegay mid ay dibadda kasoo abaabulayaan kuwo uu ku tilmaamay inay doonayaan inay dalkiisa kusoo waaridaan dumuqraadiyad Fawdo ah oo Bresusales, waa Caasimada Midawga Yurub iyo meelo kale lagaga soo waarido, taas oo uu sheegay in aanay ka soconayn dalkiisa. sidaa awgeed Mr. Geele oo horeba dhegaha uga furaystay dhawaaqyada reer galbeedka, wuxuu waqtigana u muuqdaa in aanu waxba ka beddelayn qorshihiisa siyaasadeed iyo damaciisa uu doonayo inuu markii Afraad dalka sii haysto.

Inkasta oo Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele shiiqisay kacdoonka la doonayay in xukunka lagaga tuuro, isla markaana xaaladu u muuqato dhowaanahan mid degan, balse maaha taasi mid meesha ka saaray qorayaal mucaaradku wadaan oo ay ku doonayaan inay xukunka kaga tuuraan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Hase yeeshee dhinaca dalka Ethiopia ee ay jaarka yihiin waxba iskama bedelin kacdoonka Oromia ee ay hoggaaminayaan dhalinyarada Jaamacaddaha ee Ambo student, kaas oo soo taxnaa tan iyo May 2014, waxaana weli sii socda kacdoonkaa oo marba marka ka sanbaysa sii xoogaysanayay, isla markaana sababay dhimashada in ka badan 200, iyadoo boqolaal kale loo taxaabay xabsiga, sida ay faafiyeen warbixiniii u danbeeyay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha iyo warbaahinta caalamiga ah.
Ethiopia, waxa adag in wax badan laga ogaado xaalada gudaha, waxaana taas sabab loiga dhigaa xidh-xidhnaanta dhinaca xoriyadaha aasaasiga ah iyo iyadoo aanay jirin warbahin si xor ah wax u sheegi kartaa, isla markaana waxa adag in warbaahinta reer galbeedku awood u yeelato inay warbixino la xidhiidha xaalada dhabta ah ee gudaha faafiyan.
Marka laga yimaafo rabshadaha ka scda deegaanka Kililka Afraad ee Ethiopia, waxa muuqata in dergaanada dhinaca Koonfur galbeed ee Ethiopia, gaar ahaan deegaanka qowmiyada Gambella rabshado kuwaas la mid ah ay ka dhaceen todobaadyadii u danbeeyay, kuwaas oo Hay’adda Xuquuqda Aadamahu ku canbaareeyeen xukuumadda Hailemariam Desalegn jawaabta ay ka bixisay.
Mudaddii any socdeen rabshadaha dhinaca dalka Ethiopia, waxay durba saamayn ku yeesheen degananshaha iyo isu socodka mandaqada, waxayna Ethiopia adkaysay gelitaanka shariyada dalkeeda ee dhinaca Somaliland, iyadoo xadidday boqolaal qof oo bill walba dhinaca Somalland ka geli jray, kuwaasoo intooda baddan xaalado caafimaad u tegi jiray, isla markaana Fiise sharci ah ka qaadan jiray safaaradda Ethiopia ee Hargeysa, balse mudadii rabshaduhu ka bilaabmeen halkaa, waxa xayiraad la saaray gelitaanka dhinaca Ethiopia, iyadoo la gaadhsiiyay in 5 qof oo laga soo ogolaado gelitaankooda Addis-ababa ay safaaradu bishii siinkarto Fiise, marka laa reebo dadka adeegsanaya safarka dhinaca hawada ee raacaya diyaaradda Ethiopian Airline, waxyna arrintaas sababtay in boqolaal qof oo dano kaga xidhnaayeen dalka Ethiopia ay awoodi waayaan inay u baxaan Addis-ababa.
Hase yeeshee xukuumadda Somaliland, waxay dhinaceeda mudadii rabshaduhu ka bilabmeen halkaa, waxay dalkeeda ka masaafurisay ku dhowaad 1,000 qof oo u dhashay dalka Ethiopia, isla markaana u baddan qomiyada Oromia, iyadoo kumanaan kale oo ku sugnaa magaalooyinka Somaliland lagu amray inay muddo kooban dalka Kara baxaan, Ama ay qaataan waraaqo sharci oo ay ku joogaan Somaliland, waxaana tallaabooyinka xukuumadda Somaliland loo arkayay kuwa u muuqday dalab ka yimi dhanka xukuumadda Raysal Waasaare Hailemariam Desalegn aan la ogayn waxay Somaliland ku bedelatay, iyadoo muwaadiniinteeda la adkeeyay socdaaladii iyo safaraii ay ku tegayeen Ethiopia, kuwaas oo inta baddan hawlo caafimaad u tegi jiray halkaa.
Si kastaba ha haatee, waxa muuqata in rabshado gacan ka hadal ah oo xilgan ka bilaabma mandaqada, gaar ahaan Ethiopia iyo Djibouti oo ka mid ahaa meelaa ugu xasiloon geeska Afrika marka laga reebo Somaliland ay horseedi karaan xaalad adag iyo xasiloonidaro fursad siisa kooxaa xag-jirka ah ee ku taamaya inay isku balaadhiyaan mandaqada geeska Afrika iyo gacanka cadmeed. Sidaa awgeed waxa la gudboon hoggaamiyayaasha Ethiopia iyo Djibouti in aanay shacbigooda ku kalifin inay kusii socdaan isbedelo aan ku iman doorashooyin, balse ku yimaada gacan ka hadal iyo rabshado dhiig ku daato, waana inay xaalada kusoo dabaalaan xasilooni iyo deganaansho.

Faallo: By. Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347