X

ISSIAS AFWERKI OO ETHIOPIA FARA-GELIN BA’AN KU HAYA (INTELLIGNCE INFORMATION).

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Eretria Isaias Afwerki ee martida loo yahay. 11 July 2022, Asmara Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

ISSIAS AFWERKI OO ETHIOPIA FARA-GELIN BA’AN KU HAYA ( #INTELLIGNCE #INFORMATION).

Khabiir la tirsan mukhabaaradka dalka suudaan ah oo ka gaabsaday inuu shaaciyo magaciisa iyo muuqaalkiisa ayaa bannaanka soo dhigay xogo badan oo ku saabsan colaaddaha wejiyada baddan ee ka holcaya waddanka Ethiopia.

Khabiirkan reer suudaan ayaa sheegay in madaxweeynaha Eritrea uu Yahay ninka masuulka ah colaaddaha Ethiopia ka socda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Eritrea ay si weeyn u diidantahay wada hadalka Tigree-ga iyo dowladda federalka Ethiopia ee Abiy Ahmed Hoggaamiyo.

Toddobaadkii la soo dhaafay madax ka socota mukhaabaraadka dalka Eritrea ayaa magaalada Bahir-Dar ee Gobolka axmaarada waxaa kulmay Madaxda gobolka axaamrada iyo mukhaabaraadka dalka Eritrea. Labadaa kooxood ayaa ka arrinsaday sidii ay u fashilin lahaayeen suuratgalnimada hehsiis ay gaadhaan Abiy Ahmed iyo jabahdda TPLF.

Sidoo kale siyaasiyiinta Axmaarada iyo Sirdoonka Eritrea ayaa xogtan lagu sheegay inay ka dambeeyaan duulaanka ay canfartu ku qaadday deegaanada Gobolka sitti iyadoo canfartu ay xoog ku qaadatay magaalooyin ka tirsan Deegaanka soomaalida.

Waa sababta ay xukuumadda degaanka soomaalidu uuga aamusan tahay duulaanka canfarta waayo axmaarada ayaa hawshaa wadata. Balse Abiy Ahmed oo ay ku furantahay jahwareer siyaasadeed oo dhinac walba ah lama oga inuu arrintan diidan Yahay iyo in kale.

Sidoo kale xogtan uu ninkaa ka tirsan mukhaabaraadka dalka suudaan uu shaaciyey ayaa sheegaya in sirdoonka Eritrea ay ka shaqeeyeen in Al-Shabaab ay weerrarto Ethiopia si khal-khal amni oo jihooyin baddan looga abuuro dalka Ethiopia.

Ciidamo Eritrean ah ayaa ku sugan Gudaha galbeedka Gobolka Tigray, waxaana Dalka Ethiopia ka socda colaado kala duwan oo uu shukaanta u hayo madaxweeynaha ma jixinjixaha ah ee dalka Eritrea kaasi hoosta ka xarriqay inuu kala dhantaalo awoodda dalkii la odhan jiray Ethiopia.

Waa sababta uugu weeyn ee madaxweeynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u booqan waayey dalka Ethiopia kaddib markii uu booqday Eritrea, 11 July 2022, ayaa lagu wargeliyey in aannu booqan dalkaasi maadaama uu miiska u Saaran yahah Issias afwerki.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post