X

Israel Oo Duminaysa Dhismayaal Ay Ku Nool Yihiin 1200 Daanta Galbeed Ee Dhulka Falastiin

Araweelo News Network.

XIGASHO WARGEYSKA NEW YORK TIMES

Ciidanka dowladda yahuudda ee israa’iil ayaa rabay inuu helo dhul ku yaalla daanta galbeed ee dhulka reer Faalstiin, Gaar ahaan dhul ay leeyihiin dad reer Falastiin, kuwaas oo ah dad dan yar ah .  Dadkaasi ayaa dhulkooda lahaa boqollaal sano. Lahaanshiyaha dhulkaasi ee ay dadkaasi reer FALASTIIN leeyihiin wuxuu ka da’weyn yahay jiritaanka dowladda Yuhuudda ee israa’iil.

 

Maxkamadda sarre ee dowladda Yuhuudda ( israa’iil ) ayaa bishii 5aad ee  ( May) u xukuntay dhulkaa ciidanka millateriga israa’iil inay dhulkaa leeyihiin.

 

Ciidanka millateriga israa’iil ayaa guryihii shacabka reer faalstiin burburiyey. Tuulada fikheet waxaa ku nool dad falastiiniyiin  ah oo Tiro ahaan lagu qiyaasay 1200 oo Qof.

 

Dadkaasi ayaa hadda ku nool Godadka Buuraha  oo ay adhigooda  ku raacaan jireen.  Waxayna diideen inay dhulkooda ka baxaan oo ay qoxooti ku Noqdaan waddamada deriska ah.  Waayo dadkaasi waxay ogyihiin in Yuhuuddu rabto inay dhulkooda ka baxaan si loogu xalaaleeyo dhulkooda dadka  Yuhuud ah.

 

Dadkaasi ayaa loo diiday inay dhaqdaan xoollaha, iyo inay shitaan korontada Laydhka , waxaa laga mamnuucay matoorada yar yar si ay Godadka ay ku nool yihiin Laydh ahaan uugu isticmaalaan.

 

Mid ka ka mid ahaa dadkaa ayaa ku qabsaday ciidanka yahuudda matoor (Generator) ah oo uu lahaa, kaddibna ciidanka yahuudda ayaa ku furay rasaas.  Rasaas tii ayaa ku dhacday wuuna dhintay.

 

Wargeeyska New-York times ayaa faafiyey xogtaa sirta ah 22 Oktoober 2022. Wargeeyska Newy York times waxaa leh Yuhuud . balse Wargeeyska ayaa u muuqda mid gutay waajibaadkiisa shaqo ee saxaafadeed.

Waa arrin wanaagsan oo ku dayasho muddan maadaama uu bannaanka soo dhigay dembiyada banii aadanimda ka baxsan  ee dowladda yahuuddu ay  kula kacayso shacabka reer falastiin.

 

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post