X

Doorashadda Talyaaniga Oo Farxad Gelisay Vladimir Putin

Georgia Millon, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network

Sidaan 3 maalmood ka hor ku daabacay Araweelo News Network , doorashada ka dhacday dalka Talyaaniga waxay farxad gelisay Vladimir Putin, waxayna murrugo ku abuurtay waddamda reer Galbeedka ee ugu horreeyo Maraykanku iyo xulufadiisa.

Laxidhiidha: Loolanka Ruushka Iyo Reer Galbeedka

Waxay u dhowdahay inuu ku guulaysto Xibiga la magac baxay ” walaalaha Talyaaniga” ee ay Hoggaamiso Haweeynada legu magacaabo Joorjiya milloni “Georgia Milloni“.

Georgia milloni ayaa ka soo horjeeda Qaddiyadda midowga yurub iyo sidoo kale. Qaddiyadda dadka muhaajiirinta ah.

Georgia milloni ayaa ahayd mid taageere weyn u ahayd Hoggaamiyihii Talyaaniga ma jiixnjixaha ahaa Mussalni (Moussalini) kaasi oo dadka Talyaanigu meel fagaare ah ku daldaleen dagaalkii 2aad ee dunida.

Sidaa awgeed VLADIMIR putin ayaa arrintani uga dhigantay farxad weyn iyo guul siyaasadeed maadaa ay u dhowdahay inuu helo dalka Talyaaniga oo xulufo la noqda dalkiisa Ruushka.

Maraykanku arrintaan kama aamusi doono wuxuuna hanjabaad u diri doonaa dalka Talyaaniga maadaam Talyaanigu Xubin ka Yahay ururka NATO iyo midowga Yurub. Dalka Talyaaniga ayaa ka mid quwada loo yaqaan (G7).

Haddii arrintani u suurto gasho Vladimir Putin waxay u noqonaysa fursad dahabi ah oo uu ku burburinayo Nidaamka caalamiga ( New World Order ) kaasi oo maraykanku Hormuud ka Yahay. Sidoo kale, waxaa madaxweeynaha Ruushka Vladimir Putin la shaqaynaya dowladda shacabka ee shiinaha iyo Quwado kale oo caalami ah, kuwaas oo diidan Nidaamka Caalamiga ah ee Maraykanku Horboodayo.

Marka laga yimaado dacaayaddaha ay faafinayaan saxaafadda reer Galbeedka, arrintan ayaa si dhab ah uga dhigan Maraykanka dhibaato weyn oo soo foodsaartay iyo Nidaamkii caalmiga ahaa ee Maraykanku horboodayey oo sii dhimanaya marba marka ka sii danbaysa.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post