Cabsida Ku Geddaaman Natiijada Doorashada Iyo Tartanka Taariikhda Qori Doona
#Araweelo_News_Network
Doorashada dalka Maraykanka ayaa loo dareeray maalinta loo suntay ee Salaasadii, taas oo ah mid cabsi weyn iyo wer wer laga qabo natiijadeeda, isla markaana la saadaalinayo innay taariikh cusub ku noqon doonto Maraykanka iyo dunida kale ee indhaha ku haysa doorashada Maraykanka xattaa hadda ay natiijadu noqoto mid si nabad ah ku dhammaata, wallow aannay muuqan, isla markaana aan la filayn xamaasadda iyo xiisaddaha siyaasadeed ee ku xeeran noqon karaan kuwo horseeda natiijo nabadeed.
Tartanka ayaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa marka loo eego doorashooyinka taariikhda Maraykanka iyo sidoo kale tartankii cabsida ugu baddan abuuray, iyadoo dad baddan xusuusan yihiin Madaxweynihii hore Donald Trump iyo haweenayda Kamala Harris oo ah Madaxweyne ku xigeenka.
Olollaha intii uu socday iyo ka hor waxa warbaahinta Maraykanka laga daalacanayay kala fogaanshaha labada dhinac iyo eeddaymaha ay soo bandhigayaan, kuwaas oo aannay ka madhnayn arrimo xaasaasi ah oo muujinaya kala qaybsanaanta guddaha Maraykanka ee kala jiidashada muujinaysay in aannu dhinacna dhinaca kale ku qanci karin xataa haddii uu guulaysto, laakiin cabsida ugu weyn ayaa ka imanaysa dhinaca Donald Trump oo hore loogu eeddeeyay inuu doorashadii kal hore markii laga guulaystay muran iyo jiitan natiijada saamayn ku yeeshay kaddib diiday inuu aqbalo, isla markaana taageerayaashiisu weerar ku soo qaadeen Aqalka Cad, halkaas oo ay qabsadeen muddo.
Donald Trum, waxay Kamala Harris iyo Dumuqraadiyiintu ku tilmaamaan qof ay ka go’antahay inuu burburiyo dumuqraadiyada iyo xadaarada Maraykanka, isla markaana duulaan ku ah nidaamka iyo nollosha dadka Maraykanka, sidaa awgeed aan la aqbalin inuu ku guukaysto doorashada, maadaama uu meesha ka saarayo arrimaha aasaasiga ah ee nollosha Bulshada taabanaya sida Caafimaadka haweenka dhaqaalaha dabaqada dhexe , nolosha dadka soo galootiga ah, xorriyada saaaxada iyo haya’ddaha garsoorka.
Ka hor intii aan banaanka iyo fagaaraha siyaasadda iyo garoonka e doorashada laysugu soo bixin isaga iyo haweenayda la tartamay, waxa uu kasoo dabaashay dacwado xidhiidh ah oo qaarkood uu ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwo la doonayay in xukunka lagaga hor istaago si aannu doorashada 2024, u tartamin.
Sidoo kale, Trump wuxuu gebi ahaan u muuqday inuu afduubay siyaasaddii xisbiga Jamhuuriga, aaaakiin markii uu kasoo dabaashay arrimahaa waxa sii korodhay cabsida ay ka muujinayeen Dumuqraadiyiintu, iyagoo ku eeddaynaya inuu dadka ciqaabi doono, maadaama hore loogu eeddeeyay falal iyo ficiloku cusub taariikhda Marayanka, isla matkaana waxy markhaati uga dhigayeen arrintaa halku dhegiisa ah (Make Ameriga Great Again) iyo kooxda loo soo gaabiyo (Maga), taas oo xataa lala xidhiidhiyay innay faracyo ku leedahay dunida kale ee aan gobolada iyo guddaha Maraukanka ahayn, iyagoo rumaysan in Maraykanku yahay qaran burburay qofka keliya ee hagaajin karaana isaga yahay iyo inuu Maraykanku yahay dal la qabsaday oo ay qabsadeen dad aan ahayn dhalad oo asalkoodii ka yimi meelo kale, kuwaas oo ay xataa haweenayda la tartamay iyo Madaxweynihii hore Obama ka mid yihiin.
Loollanka haweenayda Madaxweyne ku xigeenka ee la tartamay Trump xilligan waa Kamala Harris oo 60 jir ah, waxay siyaasad ahaan qoraysaa taariikh ku cusub maraykanka oo taxane ah, wallow aannay ahayn haweenaydii ugu horraysay ee u tartanta Madaxweynaha Maraykanka, balse waa hawenaydii labaad oo weliba ka socota Xisbiga Dimuqraadiga, sidoo kale, waa haweenaydii ugu horaysay ee noqota Madaxweyne ku xigeen, ama soo gaadha halkaa, taas oo ay dheertahay inay asal ahaan kasoo jeeda Jamacian.
Donald J. Harris waa aabaha Kamala Harris. Waa dhaqaaleyahan Jamaican Maraykan ah sidoo kale, waa macalin sare oo wax ka dhiga Jaamacadda Stanford, asal ahaan ka soo jeeda Saint Ann’s Bay, Jamaica, waana qqaybo ka mid ah waxyaabaha taariikhda ka dhigaya guusheeda iyo xataa guuldaradeeda doorashada Maraykanka ee laga wer werayo natiijadeeda.
Tirinta codadka oo laga muujinayo taxadar baddan ayaa socota, waxaana la ilayaa in u dhawaaqista natiijadu qaadato maalmo ama todobaadyo, iyadoo laga foggaanayo qalalaase, balse Dimuqraadiyiinta ayaa uga digaya taageerayaashodoa iyo guud ahaan shacbiga Maraykanka on ay aqbalaan haddii ay dhacdo in Trump isagu ku dhawaaqo natiijo uu ku sheegayo inuu guulaystay ka hor inta aannay soo bixin natiijada dhabta ah.
Mid ka mid ah gobollada ugu qowmiyadaha badan ee dhanka Koonfurta Bariga Maraykanka, Georgia.isla markaana ka mid ah kuwa xasaasiyad baddan sidoo kalena hormood iyo tusaale u ah jihada doorashada ayaa ugu horeeya, kaas oo caawa ku dhawaaqi doona natiijooyinka horu-dhaca ah ee doorashada, gaar ahaan magaalada Lawrenceville ee gobolka Georgia, wallow ay jireen cillado ku yimi meelaha qaar, waxa si weyn loogu dheg taagayaa xisaabaha ka imanaya meelaha kala fog ee cabsida iyo werwerku ka buuxaan.
Asbaabahaa iyo kuwo oo baddan ayaa ah sababta loogu dardaar werinayo Maraykanka oo boqolaal sanadood ku faannayay dimuqraadiyada iyo doorashooyinka innay doorashada xilligan noqoto mid natiijadeedu soo gaabiso, ama soo gabagebayso cimigiisa, taas oo saamayn ku yeelanay dunida oo dhan, sida uu dhaqaale ahaan, Millateri ahaan, iyo amni ahaan ugu taxanyahay Maraykanku dunida inteeda baddan, lacagtiisuna ay tahay mid aduunka oo dhan laga isticmaalo oo madaxa kaga duuban dhaqaalaha aduunka iyo saamiyada sayladdaha Caalamka.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com