X

Damaca Ethiopia Ee Dekedda Saylac

#INTELLIGNCE #INFORMATION).

Damaca Ethiopia wuu ka weeynyahy Qabsashda Galbkeeda Gobolka sittii ee dowlad Deegaanka soomaaliyeed.. Meel kasta oo ay awood dhigtaba damaca Ethiopia waa xeebta dheer iyo dekedaha ummadda soomaaliyeed siday u gaadhi lahayd.

Sannadkii 2019 waxa biloowday Qorshe loogu magac daray ” is bahaysiga dirta” kaasi oo Oromada Ethiopia ay ku sheeganayso in qabiilka soomaaliyed ee dega Gobolka Awdal inuu Yahay Qabiil dir ah oo Oromo ah.

Oromada ayaa sheegtay in qabiilka ” Gada Booraana” oo asal ahaan ahaa Qabiil Oromo ah uu u haajiray Gobolka awdal oo ay ku taallo xeebta magaalada Seylac. Oromada ayaa sheegtay in qabiilkaasi hadda la yidhaado ” Gada-buursi”. waa qayb ka mid ah xod-xodashada iyo beerlaxawsiga ay Ethiopia ku gelayso somaliland.

Waxaa ku xigi doonta in laysku Diro qabiilada walaalaha ah ee isaaq iyo Gada-buursi ( samaroon). Waxayna odhan doontaa ma idinkoo 60 milyan oo Qoowmiyadda dirta ah la dhashay oo boqortooyo Weyn ah ayaa qabiil yar idiin guumaysan karaa ? !!!.

Kelmedda ” Gada” ayeey Oromadu ku sheegeen inay tahay luqadda oromada oo micneheedu tahay Golaha dhaqanka ee Qoowmiyadda Oromadu ay ku goyso garta iyo xaajada.

damaca Ethiopia ee ah inaysan 120 milyan oo Ethiopian sii ahaan Karin bad la’aan waa damac dhab ah oo la wada ogyahay oo taariikhi ah. Waxayna soomaaliya u aragtaa Gobol ka mid ah Ethiopia oo dad yar oo reer miyi ah ay deggen yihiin. Waana sababta ay uugu hamminayso inay xeebaha soomaaliya soo taabato xabashidu mar ay ahaataba.

Dekedda magaalada Seylac waxay ku taallaa Goob istraaji ah waana mid ka mid ah meelaha ay ku taamayso inay qabsato Ethiopia.

Ethiopia ayaa dhistay ciidankii badda (Ethiopian Navy) oo kor u dhaafaya 100,000 ( boqol kun). sidoo kale waxaa dhammaystir ku dhow waddada loo yaqaan ( Berbera corridor) oo isku xidhi doonta somaliland iyo Ethiopia.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post