X

Dalka Indonesia Oo Meel Marisay Sharciyo Dabbaqaya Shareecada Islaamka

Araweelo News Network.

 

Baarlamaanka dalka Indonesia ayaa meel mariyey sharciyo islaami ah. Sharciga Mamanuucaya in nin iyo Naag aan is qabin inay dhex marto galmo ayaa sharcigan lagu meel mariyey. Sidoo kale in nin iyo Naag aan isku qabin meher sharci ah oo islaami ah inay guri wada degaan ayaa lagu mamnuucay sharcigan.

Horay ayuu baarlamaanka dalka Indoneisa u diiday inuu meel mariyo sharciyada oggolaanaya Qoowmuu-luudnimada (#LGPTQ). Waxaana arrintaa aad u cambaareeyey waddamada reer Galbeedka oo iyagu u ololeeyaa waxa ay uugu yeedhaan xorriyadda jinsiga iyo xorriyadda Haweenka ( #LGPTQ #FEMISNISM).

Arrinta la yaabka leh ayaa in xogahayaha arrimaha dibadda dalka maraykanka inuu si xoog badan u cambaareeyey sharciyada islaamiga ah ee baarlamaanka dalka indonesia uu meel mariyey. xoghayaha arrimaha dibadda dalka maraykanka ayaa ku tilmaamay tallaabda uu qaaday baarlamaanka dalka indonesia mid xad gudub ku ah ah xuquuq Banii aadamka iyo xuquuqda kala duwanaanshiyaha dadka reer indonesia , wuxuuna ku baaqay in arrintaa si deg deg ah looga noqdo.

Sidan oo kale ayaa saddex sano ka hor dalka Brunei oo boqortooyo islaami ah ay soo degtay sharciyo islaamiya, sida in Tuugada wax xada gacanta midig laga gooyo, iyo in qofkii sinysta oo meher hore soo maray dhagax lagu Dilo, waxaana ka qayliyey dhammaan waddamda reer galbeedka, kuwaa oo badankoodu xidhiidhka u jaray dalka Brunei.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post