X

Colaadda Siyaasadeed  Ee Ka Dhex Qaraxday Maraykanka Iyo Boqortooyada  Sucuudi Carabiya 

Madaxweyneha Ruushka Vladimir Putin iyo Mohamed Bin Salman dhaxal-sugaha Sacuudiga, Image file Araweelo News Network, 20 July 2022.

Araweelo News Network

 

Colaadda Siyaasadeed  Ee Ka Dhex Qaraxday Maraykanka Iyo Boqortooyada  Sucuudi Carabiya

Sidee ayuu dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya uga badbaadi karaa shirqool la mid ah kii lagu khaarajiyey Boqor Faysal 1974-tii markii uu isku deyey Cuna qabatayntii shidaalka ee uu ku soo rogay Maraykanaka iyo waddmada reer yurub ?

Sidee ayuu Maxamed Bin Salmaan colaad siyaasadeed ula qaadan karaa Maraykanka isaga oo ay dalkiisa joogaan boqollaal kun oo ciidamada militeriga Maraykanka ah, kuwaas oo ilaaliya boqortooyada reer Aala Sucuud ?

1. Boqortooyada Sucuudi carabiya ayaa xidhiidh toos ah la samaysay, isla markaana heshiisyo waaweyn la saxeexatay dalka shiinaha, iyadoo  ay xafiiltan dhan walba ah ay kala dhexeyso maraykanka , arrintaasi waxay si aad ah uuga cadhaysiinaysaa maraykanka, waxayna  u muuqataa mid Halis ah in ciidmada militeriga Maraykanku ay talada ka tuuraan reer Aala-sacuud ama ay ugu yaraan isku daayaan inay khaarajiyaan Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka siyaasaddan Cusub wata.

2. Haddii uu maraykanku qabsado Boqortooyada Sucuudiga maadaama ciidamo militeri ahi ay ka joogaan Gudaha Boqortooyada Sucuudiga , iyadoo sabab looga dhigayo in Maxamed Bin Salmaan uu xidhiidh toos la samsystay dalka Shiinaha, waxaa macquul ah militeriga shiinaha iyo Ruushku ay soo galaan Gudaha Boqortooyada Sucuudi carabiya. Sidoo kale, waxa macquul ah in dalkaasi ay ku hardman quwadaha waaweyn sidii dalka SUURIYA.

3. Haddii maraykanku uu qabsado Sucuudiga oo xoog kula wareego, waxaa sidoo kale Ruushka xalaal u noqonaya inuu Guud ahaan la wareego dalka Yukreeyn (Ukraine).

4. Maxamed Bin Salmaan wuxuu hadda xukumaa ciidanka militariga, iyo Booliska, wuxuuna hay”ddaha muhiimka ah ee boqortooyada gacanta u geliyey walaalihii iyo xubno Qooyskiisa ah oo uu ku kalsoonyahay.

  1. 5. Marba haddii uu Maxamed Bin Salmaan Maraykanka la qaatay colaad waxaa lagama maarmaan ah inuu hay”adda sirdoonka ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya gacanta u geliyo dowladda shiinaha , si ay dalkiisa uuga badbaadiso caddaawadda iyo dhagarta kusoo waajahan ee Maraykanka iyo xulufadiisa.

Uugu dambayn maxamed bin salmaan waxa uugu weeyn ee Iska ilaalinayo ayaan noqon doonto inay qarsoon u khaarajiyaan mukhaabaraadka maraykanka , iyo israa’iil.

WQ Dr.Ahmed Hasan Saalah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post