Telesom dahabshiil
mubarak tanzil

Category: Warar

Total 6797 Posts

Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco Oo Ka Hadlay Bilowga Diwaanka Casriga Ah Ee Kaydka Xogta

Hargeysa(ANN)-Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa, ayaa bilawday Barmaamij loo yaqaan E-governance, kaas oo tijaabadiisa laga bilaabay Degmooyinka Caasimada muddo laba bilood ka hor ah. Duqa Caasimada Hargeysa, isla markaana ah guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa saaka kormeeray

Madaxweynaha Turkiga Erdogan Oo Diiday casho-sharaf ay Qaramada Midoobay Ku Lahaayeen Hoggaamiyayaal Waaweyn Iyo Sababta Uu Cuskaday

New Yor(ANN)-Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa giriifay kulan casho-sharafeed ah oo Qaramada Miboobay ka dhacay, kaas oo ay wada lahaayeen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Haweenayda Dalka Jarmalka Hoggaamisa, Angela Merkel iyo

“Baadhitaan Fiican oo Aanad Dawo Fiican Helin Waxba Tarimayso, Amarka Madaxweynuhuna Wuxuu U Baahanyahay Siyaasad, Istiraatiijiyad Iyo Qorshe” Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Hargeysa(ANN)-Guddida joogtada ah ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa la kulmay Wasiirka wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi Bade kulankaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay, waxa markii uu soo dhammaaday saxaafada wadajir ula hadlay barxada hore ee xarunta Wasiirka

Dubai: Maxaa kasoo Baxay Kulan Dhexmaray Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Ganacsato

Dubai(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdu;laahi Abu-site, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay ganacsato dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweyne ku xigeenku iyo Safiirka, ayaa kulanka

Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Somaliland Geedoole Oo Ka Halday Dacwad Ka Dhan Ah Xisbiga WADDANI Oo Ay U Gudbiyeen Maxkamadda Sare

Hargeysa(ANN)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sheegay inay Maxkamadda sare u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Hoggaanka Xisbiga Waddani, isagoo sharci-darro ku tilmaamay Saxeexa Xoghayaha guud ee Xisbigaas. Prof: Geedoole oo maanta u waramay Weriye Cabdifataax

Sucuudiga Oo Carabaabay Xidhiidh Nabadeed Oo Dhexmara Iran, Jawaabta Iran iyo Duur-xulka Turkiga Ee Duqayntii Saliida! Warbixin

Riyaad Oo Dalkeeda Ka Caydhisay Dublamaasi Xukuumadda Yemen Ee Abd Rabbuh Mansur Hadi Ka Tirsan Riyadh (ANN)- Dowladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay hagaajinta xidhiidhkeeda Iran, balse waxay ku doodday inaanay Dahran u muuqan mid rabitaankan la

Boqor Buurmadaw Oo Uga Digay Xukuumadda La Warreegista Shidaalka Dalka

Hargeysa(ANN)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi in aanu ku deg-degin in xukuumaddu la wareegto Keensita Shidaalka Dalka ee shirkaddaha gaarka loo leeyahay ka ganacsadaan, wuxuuna ka digay in haddii xukuumadda Madaxweyne

Dhismaha Biriish Cusub Oo Shirkadda Cummaani Ugu Deeqday Dadka Koonfur Bari Ee Hargeysa

Hargeysa(ANN)-Dhismaha Biriish Cusub oo uu dhaqaalaha ku baxaya iyo farsamadiisa uu ku deeqay Ganacsadaha Iska leh Shirkadda Somaliland Hono Group Suldaan Cabdirisaaq Cummaani, ayaa maanta laga dhagax-dhigay Degmada Maxamed Mooge ee Koonfur Bari magaalada Hargeysa. Hirgelinta dhismaha Buundadan oo wax

Qarreen Ka Mid Ah Kuwa Ugu Cad-cad Ee Difaaca Maxkamaddaha Hargeysa Oo Sheegay Inuu Shaqadii Joojiyay Iyo Sababta Uu Ku Dooday

Hargeysa(ANN)- Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah qarreenada ugu cad-cad qarreennada u dooda Bulshada Somaliland, isla markaana ka hawlgala Maxkamaddaha Hargeysa, ayaa Sheegay inuu Joojiyey Shaqadii Qareennimo ee uu hayey. Garyaqaan Mubaarak oo sannadii u dambaysay Xirfadda Qareennimada

“Maanta May Ahayn In Muj. Axmed Mire Halkan Ka Maqnaado , yaase u diiday”Madaxweyne Biixi

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dhibaaooyinka, khilaafaadka iyo collaaduhu ku yeeshan horrumarka bulsho, ayaa sheegay  inaan wax horumar ah la gaadhayn inta dadku u fekerayaan qaabka qabyaaladaysan ee aanay u fekerayn qaab qaran. Madaxweyne Muuse