#Araweelo_News_Network.
Yemen (ANN)-Xuutyiinta Yemen ayaa weerar ku qaaday Markab kuwa Koonteerada ah oo marayay Badda Cas.
Arrintan ayaa lagu macneeyay mid joojin doonta dhammaan maraakiibta dhexmara Badda Cas marka la eego mustaqbalka la saadaalin karo” sababtoo ah khatarta weerarrada maraakiibta ee isticmaala jidka muhiimka ah ee ganacsiga Badda Cas, ayaa marba marka ka danbaysa waajahaya cabsi weyn.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii shirkadda Danish ay joojisay gaadiidka ay kusii marayso aagga “ilaa amar dambe” kaddib weerar ay maleeshiyada Xuuthiyiinta ku qaadeen markabka Maersk Hangzhou.
Ciidamada Maraykanka ayaa la degay saddex doonyood oo ay wateen Xuuthiyiinta oo ku lug lahaa weerarka sida laga soo xigtay ciidmada Maraykanka ee ku sugan Biyaha Badda Cas.
Maleeshiyada ay Iran taageerto ee dagaalka sokeeye ka wada Yemen, ayaa sare u qaaday weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga toddobaadyadii la soo dhaafay, taasoo ay ku sheegeen inay uga aargoosanayaan dagaalka ay Israel kula jirto Xamaas.
“Xaaladdu si joogto ah ayay isu beddeshaa waxayna weli tahay mid kacsan, dhammaan sirdoonnada gacanta lagu hayo waxay xaqiijinayaan in khatarta ammaanku ay sii ahaanayso heer aad u sarreeya,” ayuu Maersk ku yidhi hadal uu soo saaray.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com