X

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaalka Kasoo Cusboonaaday Deegamada Bariga

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Photo File Araweelo News Network.

 

#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaalka maalintii labaad ka dhacay duleedka Qorilugud ee Buuhoodle ku dhexmaray dadka deegaanka ee ciidamada Medeniga ah iyo malayshiyaad kasoo duulay Soomalaiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn loogu cambaareeyay gardarrada ay xukuumadda taagta daran ee Muqdisho ka waddo deegaanka Qorilugud ee gobolka Buuhoodle.

War-saxaafadeedka ooku taariikhaysan 2 Nov 2024, ayaa u qornaa sidan:-

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si xooggan u cambaaraynaysaa falkii waxshinnimada ahaa ee ay maamulka Muqdisho oo kaashanaya maleeshiyaad ka soo jeeda bariga gobolka Sool iyo kooxo argagixisada ah ee Al-shabaab ku soo qaadeen magaalada Buuhuudle, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday dad aan waxba galabsan oo ku sugnaa magaalada Qorilugud iyo deegaanno hoos yimaadda.

Warsaxaafadeedka ayaa falkan ku tilmaamay isku day uu maamulka Muqdisho ee fashilmay ku doonayo inuu ku wiiqo habsami u socodka doorashada Dimuqraadiga ah ee 13 . November 2024 ka qabsoomi doonta Somaliland.

Wararka ka imanaya aaggaasi ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay Cabdiqani Sulub. oo ahaa taliyaha 2aad ee xerada AL-shabaab ee Buuhoodle, taasoo caddayn u ah ku lug lahaanshaha Al-shabaab, taasoo ay tahay in bulshada caalamku ka warqabto.

Falalka noocan ahi waxa ay ka dhigan yihiin xad-gudub weyn oo ka dhan ah qarannimada Somaliland iyo weerar lagu soo qaaday nabadgalyadeeda iyo xasilloonideeda.

“Garadarrada iyo weerarrada argagixisada ah ee rajiimka Muqdisho ee ka dhanka ah muwaadiniinta Somaliland, waxa ay daaha ka rogaysaa,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan, quusta soo wajahday iyo ixtiraam la’aanka ay u hayaan nolosha aadanaha.

Weerarkani maaha mid khatar ku ah oo kaliya geeddi socodka dimuqraadiyadda Somalialnd, balse waxa uu sidoo khatar ku yahay xasilloonida geeska Afrika guud ahaan.

Weerarkani maaha mid khatar toos ah ku ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland oo keliya balse wuxuu khatar ku yahay xasilloonida Geeska Afrika oo dhan.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay beesha caalamka ugu baaqaysaa inay si xooggan u cambaarayso falka gardarrada ah ee uu ku kacay maamulka fashilmay ee ka taliya Xalane, waxaanay Somaliland ku boorrinaysaa dhammaan dalalka Saaxiibka la ah inay mawqif adag ka istaagaan falkan badheedhaka ah ee xaasillooni darrada sababaya isla markaana ay taageeraan xaqa ay Somaliland u leedahay inay doorasahadeeda ku qabsato si xor iyo xalaal ah oo ka madhan faragalin shisheeye.

Somaliland waxa ay caddaynaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda, ilaalinta qiyamka Dimuqraaddiga ah iyo inay qarannimadeeda iyo madax-banaanideeda ka dhowrto weerarro aan loo baahnayn.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo gabgabeeyay waxa ay Somaliland ugu baaqaysaa xulafadeeda iyo guud ahaan beesha caalamka inay nala garab istaagaan naqdiga weerarkaas, ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo taageeridda rabitaanka shacbiga Somaliland ee ku wajahan nabadda, xasilloonida iyo dimuqraadiyadda.

Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa xulafadeeda iyo guud ahaan beesha caalamka inay nala garab istaagaan cambaaraynta weerarkaas, ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo taageeridda rabitaanka shacabka Somaliland ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo dimuqraadiyadda.ayaa lagu yidhi, gunaannadka war-saxaafadeedka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post