X

# Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Lloyd J. Austin Oo Ka Hadlay Amaanka Gobolka

Secretary of Defense Lloyd J. Austin II iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Image Twitter, 25 Sep 2023.

Hoggaamiyaasha, Dibouti, Kenya iyo Somalia, Maxay Ka Wadahadleen Xoghayaha Difaaca Maraykanka?

#Araweelo_News_Network,

Nairobi(ANN)-Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Lloyd J. Austin II, oo booqasho ku maraya Gobolka Geeska Afrika, ayaa kulamo la yeeshay Hoggaamiyaasha, Dibouti, Kenya iyo Somalia, wuxuuna kulamadaa oo ahaa kuwo uu madaxda mid walba gaarkiisa ula hadlay ku tilmaamay innay ahaayeen kulamo muhiim ah.

Lloyd J. Austin II, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Djibouti Ismail Ommar Guelleh soo dhowaynta uu u sameeyay intii uu ku sugnaa dalka Djiboti, halkaas oo uu Austin kulan kula yeeshay Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

 

“Sharaf ayey ii ahayd inaan maanta la kulmo Madaxweyne Ruto. Taariikhda iskaashiga Millateri ee u dhaxaysa Kenya iyo Maraykanka ayaa soo taxnaa muddo ku siman 50 sannadood. Kenya waa saaxiibka istiraatijiyadeed ee lagu qiimeeyo la-dagaallanka khataraha labada dhinac & xoojinta amniga gobolka.” Ayuu yidhi,  Xoghayaha difaaca Maraykanka, Lloyd J. Austin II, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal uu kusoo qoray bartiisa Twitterka.

 

“Waxaan sii wadi doonaa inaan kor u qaadno iskaashiga difaaca lammaane muhiim ah oo aan horumarino aragtida aan wadaagno ee nabadda iyo barwaaqada Bariga Afrika.” Ayuu yidhi, isagoo ka hadlaya iskaashiga ka dhexeeya Kenya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in booqashadii uu ku tagay Djibouti kaga wada hadleen Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh arrimo la xidhiidha dadaallada uu sheegay in ay la wadaagaan dawladda Soomaaliya ee lagaga hortagayo Al-Shabaab, “waxaana garwaaqsaday geesinimada iyo naf-hurnimada shacabka Soomaaliyeed oo aan si wadajir ah uga shaqeyneyno wax ka qabashada caqabadaha nagu soo fool leh.” Ayuu yidhi.

Hase yeeshee, Lloyd J. Austin II, ayaa tilmaamay in Maraykanku si weyn uga walaacsan yahay in Al-shabaab deegaamada laga saaray uga wareegto meelo kale oo aan maamul addag ka jirin, taas oo aannu caddayn, balse loo fasirtay dhinac Buuraleyda Silsilada ee Bariga Somaliland iyo dhinaca maamulka Puntland oo ay hore fadhiisimo ugu lahaayeen Al-shabaab.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post