X

Xildhibaan Cali Xaamud Oo Iskaga Hadhay Tartanka Guddoomiyaha

Xildhibaan Cali Xaamud Oo Iskaga Hadhay Tartanka Iyo Dareenkiisa Weedhaha Dhiilada Xanbaarsan

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil maalmihii u danbeeyay haystay saaxadda siyaasadda, kaddib markii uu sheegay inuu yahay murrashax doonaya inuu ku ruqaansado kursiga ka sareeya ee shirguddoonka gollaha wakiillada Somaliland, ayaa iskaga hadhay tartanka iyo loollanka adag saaxadda, isagoo sheegay inuu ku adkaysanayo kursigiisa.

Loollanka loogu jiro kursiga shirgudoonka gollaha wakiillada ayaa si weyn xamaasadeeyay saaxadda siyaasadda Somaliland saacadihii u danbeeyay, kulamo goos goos ah oo la xidhiidha kaanbaynka ayaa ka socda meelo kala duwan.

Xildhibaan Yaasiin Maxamuud (Xiir) oo ah guddoomiye ku xigeenka Ururka KAAH, isla markaana hore ugu loollamay kursiga ayaa xilligan mar kale kaanbayn ugu jira, isagoo garab ka helaya Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE oo ay ku wada socdaan Urur Siyaasadeedka uu ka tirsanyahay ee KAAH oo uu hoggaamiyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore u gawracay Faratoon xilligii uu la loollamay Guddoomiyihii hore ee is casilay Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Hase yeeshee Xildhibaan Cali Xaamud oo ku fadala caddaa loollanka, iyaa gebi ahaanba caawa xilli danbe sheegay inuu ka tanaasulay, isagoo sheegay in tanaasulkiisu soo afjarayo cabashadii gobolka Awdal, wuxuuna sabab u dhigay tanaasulkiisa, kaddib markii xildhibaanada kasoo jeeda Awdal ay qaarkood diideen innay qaataan kursiga Guddoomiyaha, iyagoo taas beddelkeeda doonayay in kursiga uu ka ruqaansanayo ay doonayaan.

Xildhibaan Cali Xaamud ayaa sababta ugu weyn ee go’aankiisa arrintaa ku macneeyay, isagoo xusay inuu la shaqaynayo oo u tanaasulay Xildhibaan Maxamed Khadar Carara, kaas oo ah xildhibaanka dhinaca WADDANI iyo UCID laga soo cummaamaday oo maanta gelinkii danbe soo galay saaxadda loollanka.

Muuqaalkan ayuu Cali Xaamud Ku sharaxayaa sababta uu uga hadhay Loollanka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post