X

#Xamaas Oo U Hanjabtay #Israel Kaddib Isku Dhac Ka Dhacay #Qaza

#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Afhayeenka garabka Millateriga Xamaas ee Al Qassam Brigades, Abu Cubayda, ayaa digniin u diray Israa’iil, xilli ay sii dhammaanayso xabbad joojinta lagu kordhiyay Qaza ee labada maalmood.

Abu Cubayda, wuxuu  sheegay in Xamaas ay ixtiraami doonto xabbad joojinta ilaa iyo inta ay Israa’iil ku adkaysanayso shuruudaheeda.

Mar sii horraysay, labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eeddeeyay innuu jabiyay xabbad joojinta, iyadoo isku dhacyo goosgoos ah ay ka qarxeen Qaza.

Sidaa awgeed Afhayeenka garabka Millateriga Xamaas ee Al Qassam Brigades, Abu Cubayda ayaa Israa’iil ugu hanjabay xabbad joojin kaddib iska horimaadyada Waqooyiga Qaza.

Dhinaca kale, Haweenay Israa’iili ah oo la sii daayay ayaa u mahad celisay dagaalyahannada Al-Qassam ee Qaza, waxayna tilmaantay sidii wacnayd ee loola dhaqmay.

Haweenayda oo magaceedu yahay Danielle Aloni ayaa Xamaas ku ammaantay bini’aadantinimada aan caadiga ahayn iyo sida naxariista leh ee ay ula dhaqmeen iyada iyo gabadheeda Emilia intii lagu hayay Qaza tan iyo 7-dii October 2023.

Danielle Aloni ayaa sheegtay in gabadheedu ay u dareemaysay sidii boqorad Qaza, “taas oo aan waligay ahaan doono maxbuus mahadnaq ah,” ayay tidhi, iyadoo sidaa ku qortay warqad ay u qortay Al Qassam Brigades ee Xamaas, taas oo lagu shaaciyay warbaahinta aduunka, isla markaana soo jiidatay dareenka caalamka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post