X

“Waxa loo baahan yahay in la joojiyo Dembiyada Dagaalka Ee Ka Dhanka ah Falastiin”: Iran Oo Telefoonka Kula Xidhiidhay Hoggaamiyaasha Sacuudiga

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan , Image File Araweelo News

#Araweelo_News_Network.

“Waxa loo baahan yahay in la joojiyo Dembiyada Dagaalka Ee Ka Dhanka ah Falastiin”: Iran Oo Telefoonka Kula Xidhiidhay Hoggaamiyaasha Sacuudiga

Riyadh(ANN)-Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa Arbacadii ka wada hadlay xaalladda dagaalka Falastiin iyo Israa’iil, taas oo ah markii ugu horreysay oo ay labada hoggaamiye ku wadahadlaan Taleefoon tan iyo markii Shiinuhu uu dhexdhexaadin uu bilaabay ku dhaliyay heshiiskii Tehran iyo Riyadh ee dib loogu soo celin lahaa xidhiidhkooda.

Laxidhiidha: Xukuumadda Yuhuuda Oo Shaacisay Khasaaraha Dagaalka, Duqaymaha Iyo Dadka Xamaas Gacanta Ku Hayso Oo Dalal Kala Duwan Kasoo Jeeda

 

Labada hoggaamiye ee Raisi iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka wada hadlay “baahida loo qabo in la soo afjaro dembiyada dagaalka ka dhanka ah Falastiin,” sidaa waxa baahisay warbaahinta dowladda Iran.

Laxidhiidha: Madaxweyne Joe Biden Oo Sheegay In Kow iyo Toban Maraykan Ah Lagu Dilay Dagaalka Israel Iyo Xamaas

 

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ayaa dhankiisa, “xaqiijiyay in Boqortooyadu ay samaynayso dadaal kasta oo suurtagal ah si ay ula xidhiidho dhammaan dhinacyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo joojiyo xiisadda socota,” ayay tidhi wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA oo dhankeeda ka hadashay.

Laxidhiidha: Maraykanka  Oo Si Badheedh Ah U Sheegay In Aannay Ka Leexleexanayn Taageerada Israel Dagaalka Xamaas

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga SPA, ayaa intaa ku dartay in innay caddahay Riyadh diidmada Sacuudiga oo ay ku celinay in si uun loo beegsado dadka rayidka ah, sida ay sheegtay SPA.

Laxidhiidha: Iran Iyo Hezbollah Waxay Ku Biiri Doonaan Dagaalka Yuhuuda, Sarkaal Xamaas U Hadlay

Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa ku heshiiyey innay dib u soo celiyaan xidhiidhkooda bishii March, sida uu dhigayo heshiis ay kaga wada xaajoodeen Shiinaha kaddib toddobo sano oo cadaawad ah, taas oo halis gelisay xasilloonida iyo amniga Khaliijka, gacanna ka geystay hurinta colaaddaha Bariga Dhexe, Yemen ilaa Suuriya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post