X

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Mawqifkiisa Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland Ka Bixiyay Jawaab

Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir, Image Araweelo News Network, 5 Jan 2025.

Wasiir Waxa Hore Loo Arkayay adigoo Abaabul Lagaga Soo Horjeedo Qadiyada Somaliland Qayb Ka Ah, Waxaa laguu magcaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sidee ?

#Araweelo_News_Netwrk.

Hargeysa (ANN)-Guddiyada Gollaha Wakiillada JSomaliland, ayaa kulamo xaasaasi ah a yeeshay  qaar ka mid ah Wasiirrada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru-dawlayaasha dhawaan soo magacasbay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro)

Xubnaha Gollaha Wasiirrada ayaan weli la horgayn golle weynaha Wakiillada si loo ansixiyo, iyadoo markaa kaddib la dhaarinayo, balse guddiyadu waxay sheegeen in kulamada ay su’aalaha ku weydiinayaan la xidhiidhaan hawsha golle ahaan ay qaranka u hayaan, iyagoo doonaya innay hubinayaan Sida Dastuurku dhigayo in ay ku habboonyihiin wasaaraddaha loo magacaabay,  wallow  ay ka muuqato qaabka ay hawsha u wadaan guddiyadu mid qabyo baddan iyo diyaar garaw la’aan ka muuqato oo aan xirfadaysnayn.

Natiijada kasoo baxda xog-waraysiyada xubnaha gollaha wasiirrada ayay sheegeen innay la wadaagayaan golle weynaha.

Guddiyada Gollaha Wakiiladda Somaliland oo waraysiyo la yeeshay Xubnaha cusub ee gollaha Wasiiradda ka hor inta aan loo soo gudbin ansixintooda iyo diidmadooda Golla weynaha, Image Araweelo News Network, 5 Jan 2025.

Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir oo ka mid ahaa masuuliyiinta lala yeeshay waraysiga ayaa la weydiiyay su’aalo xaasaasi ah, kuwaas oo la xidhiidha mawqifkiisa qadiyadda Somaliland iyo mawqifkiisa ku aadan heshiiska MoU ee Somaliland iyo Ethiopia oo ka bixiyay jawaabo.

Muuqaalkan Ka Daawo Su’aalaha Xaasaasiga Ah Ee La Weydiiyay Wasiirka

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post