Wasiir Waxa Hore Loo Arkayay adigoo Abaabul Lagaga Soo Horjeedo Qadiyada Somaliland Qayb Ka Ah, Waxaa laguu magcaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sidee ?
#Araweelo_News_Netwrk.
Hargeysa (ANN)-Guddiyada Gollaha Wakiillada JSomaliland, ayaa kulamo xaasaasi ah a yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru-dawlayaasha dhawaan soo magacasbay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro)
Xubnaha Gollaha Wasiirrada ayaan weli la horgayn golle weynaha Wakiillada si loo ansixiyo, iyadoo markaa kaddib la dhaarinayo, balse guddiyadu waxay sheegeen in kulamada ay su’aalaha ku weydiinayaan la xidhiidhaan hawsha golle ahaan ay qaranka u hayaan, iyagoo doonaya innay hubinayaan Sida Dastuurku dhigayo in ay ku habboonyihiin wasaaraddaha loo magacaabay, wallow ay ka muuqato qaabka ay hawsha u wadaan guddiyadu mid qabyo baddan iyo diyaar garaw la’aan ka muuqato oo aan xirfadaysnayn.
Natiijada kasoo baxda xog-waraysiyada xubnaha gollaha wasiirrada ayay sheegeen innay la wadaagayaan golle weynaha.
Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir oo ka mid ahaa masuuliyiinta lala yeeshay waraysiga ayaa la weydiiyay su’aalo xaasaasi ah, kuwaas oo la xidhiidha mawqifkiisa qadiyadda Somaliland iyo mawqifkiisa ku aadan heshiiska MoU ee Somaliland iyo Ethiopia oo ka bixiyay jawaabo.
Muuqaalkan Ka Daawo Su’aalaha Xaasaasiga Ah Ee La Weydiiyay Wasiirka
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com