X

#Washington: Kumanaan Jewish Ah Oo Ka #Cadhaysan Xasuuqa #Israel Ee #Falastiin Iyo Taageerada Madaxweyne #Biden Oo La wareegay Aqalka #Capitol  

#Araweelo_News_Network.

 

Washington(ANN)-Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay Aqalka Capitol ee Mareykanka, kuwaas oo la wareegay caawa guddaha iyo dibadda dhismahaa, dadka ayaa ah kuwa ka cadhaysan xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin iyo weliba dhacdooyinkii u danbeeyay ee Qaza.

Sidoo kale, dadkan oo ah Yuhuuda Maraykanka Jewish, isla markaana lagu qiyaasay  dhawr kun oo qof, ayaa ka cadhooday jawaabta uu Madaxweyne Biden ka bixiyay dhacdadii lagu duqeeyay Cusbitaalka Qaza ee lagu dilay dad ka baddan 500, habeenimadii Arbacada 18, Oct 2023.

Booliska ayaa qaar ka mid ah dadka oo guddaha dhismaha galay soo qabanaya, iyadoo ay xaalladdu adagtahay, isla markaana ay sababtay in Xukuumadda Madaxweyne Biden dareento caddaadiska ka jira guddaha iyo cadhada aan la qarain karin ee ka dhalatay Xasuuqa Israel ee Falastiin iyo taageerada uu Madaxweyne u muujiyay oo sii kordhisay cadhada.

Dibadbaxayaasha  taageersan Falastiin, waxa qaarkood la hadashay Haeenayda Xildhibaanada ah ee Rashida Tlaib oo ka tirsan muddanayaasha Congress Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga, balse asal ahaan kasoo jeeda Faalstiin, waxaana jiray isu soo baxyo hore oo la bilaabmay duqaynta iyo go’doominta Qaza oo ka dhacay Washingtom iyo baddan oo Caalamka ah  maalmihii u danbeeyay.

 

Muuqaalka dadka cadhaysan ee buuxiyay gudaha iyo dibadda Washington, D.C. ee Aqalka Capitol, ayaa dad baddan xusiisiyay markii ay taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump la wareegeen dhismahaa xilligii doorashada Biden ee  sugu soo baxay Jan 5 iyo 6 2020, si ay u taageeraan sheegashadiisa ahayd  in doorashada  aan laga guulaysan.

Dhinaca kale, waxa jira siyaasiyiin ka tirsan labada Xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga oo si weyn u dhaleeceeyay tallaabooyinka Israel ee xasuuqa Qaza, kuwaas oo ku baaqay in dhaqaallaha Maraykanku siiyo Israel aannay ahayn in shacabka Falastiin lagu xasuuqo, sidaa awgeed waxay ugu baaqeen Biden inta uu ku gudda jiro booqashadiisa Bariga dhexe inuu Israel culays ku saaro innay joojiso go’doominta Qaza iyo duqaynta aan loo meel deyin oo ah mid ay ka dhalatay xaallad argagax leh.

Dibadbaxyada lagu diidanyahay Israel duqaymaha iyo go’doominta Qaza ayaa ka dhacay dalal baddan oo dunnida ah, kuwaas oo ay ka mid Yihiin Britain, Germany, France, Jordan, Beirut, Tunisia, Yemen, Iran, Iraq, Turkey, Pakistan, Bangladesh, Indonesia, India, Afghanistan iyo meelo kale, isla markaana hoggaamiyayaasha dalal baddan oo dunida ah ayaa si weyn u canbaareeyay falalka xasuuqa ah ee Israel ka wado Qaza iyo dhulka Falastiin ee ay xoogga ku haysato.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post