#Araweelo_News_Network.
Washington(ANN)-Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay Aqalka Capitol ee Mareykanka, kuwaas oo la wareegay caawa guddaha iyo dibadda dhismahaa, dadka ayaa ah kuwa ka cadhaysan xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin iyo weliba dhacdooyinkii u danbeeyay ee Qaza.
Sidoo kale, dadkan oo ah Yuhuuda Maraykanka Jewish, isla markaana lagu qiyaasay dhawr kun oo qof, ayaa ka cadhooday jawaabta uu Madaxweyne Biden ka bixiyay dhacdadii lagu duqeeyay Cusbitaalka Qaza ee lagu dilay dad ka baddan 500, habeenimadii Arbacada 18, Oct 2023.
Booliska ayaa qaar ka mid ah dadka oo guddaha dhismaha galay soo qabanaya, iyadoo ay xaalladdu adagtahay, isla markaana ay sababtay in Xukuumadda Madaxweyne Biden dareento caddaadiska ka jira guddaha iyo cadhada aan la qarain karin ee ka dhalatay Xasuuqa Israel ee Falastiin iyo taageerada uu Madaxweyne u muujiyay oo sii kordhisay cadhada.
Dibadbaxayaasha taageersan Falastiin, waxa qaarkood la hadashay Haeenayda Xildhibaanada ah ee Rashida Tlaib oo ka tirsan muddanayaasha Congress Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga, balse asal ahaan kasoo jeeda Faalstiin, waxaana jiray isu soo baxyo hore oo la bilaabmay duqaynta iyo go’doominta Qaza oo ka dhacay Washingtom iyo baddan oo Caalamka ah maalmihii u danbeeyay.
Muuqaalka dadka cadhaysan ee buuxiyay gudaha iyo dibadda Washington, D.C. ee Aqalka Capitol, ayaa dad baddan xusiisiyay markii ay taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump la wareegeen dhismahaa xilligii doorashada Biden ee sugu soo baxay Jan 5 iyo 6 2020, si ay u taageeraan sheegashadiisa ahayd in doorashada aan laga guulaysan.
Dhinaca kale, waxa jira siyaasiyiin ka tirsan labada Xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga oo si weyn u dhaleeceeyay tallaabooyinka Israel ee xasuuqa Qaza, kuwaas oo ku baaqay in dhaqaallaha Maraykanku siiyo Israel aannay ahayn in shacabka Falastiin lagu xasuuqo, sidaa awgeed waxay ugu baaqeen Biden inta uu ku gudda jiro booqashadiisa Bariga dhexe inuu Israel culays ku saaro innay joojiso go’doominta Qaza iyo duqaynta aan loo meel deyin oo ah mid ay ka dhalatay xaallad argagax leh.
Dibadbaxyada lagu diidanyahay Israel duqaymaha iyo go’doominta Qaza ayaa ka dhacay dalal baddan oo dunnida ah, kuwaas oo ay ka mid Yihiin Britain, Germany, France, Jordan, Beirut, Tunisia, Yemen, Iran, Iraq, Turkey, Pakistan, Bangladesh, Indonesia, India, Afghanistan iyo meelo kale, isla markaana hoggaamiyayaasha dalal baddan oo dunida ah ayaa si weyn u canbaareeyay falalka xasuuqa ah ee Israel ka wado Qaza iyo dhulka Falastiin ee ay xoogga ku haysato.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com