X

Ukraine: Wasiirkii Arrimaha Guddaha Iyo Saraakiil Kale Oo Ku Dhintay Burbur Diyaaradeed

Dhismaha ay ku Burburtay Diyaaradda ee magaalada Brovary ee duleedka Kyiv, 18 Jan 2023. Image Araweelo News Network.

Burburka Diyaaradda Waxa Ku Dhintay 18 Qof Oo Masuuliyiin, Saraakiil Sare Iyo Caruur Ah

#Araweelo News Network.

 

Wasiirkii Arrimaha Guddaha Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Ku Dhintay Burbur Diyaaradeed

Kyiv (ANN)-Wasiirkii Arrimaha guddaha ee Ukraine, Denys Monastyrskyy, iyo ku xigeenkiisa, ayaa ku dhintay burburka Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday dhismo ku yaalla Magaalada Brovary, oo ka baxsan caasimadda Ukraine subaxnimadii Arbacada.

Laxidhiidha: Ukraine: Dagaalka Oo Galaaftay Wasiirkii Difaaca #Jarmalka, Wasiirka Cusub Ee Loo Magcaabay Xilka Iyo Dhibaatooyinka Siyaasadeed Ee Hadheeyay Xukuumadda

Wasiirkii arrimaha guddaha ee Ukraine Denys Monastyrskyy iyo saraakiisha kale oo ku dhintay Burburka diyaaradda, ayaa kusii jeeday jiida hore ee dagaalka ee Bariga Ukraine, ka hor intii aannay ku burburin magaalada Brovary ee duleedka Kyiv, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka dawladda.

Dyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ee Helicopter, ayaa ku burburtay meel u dhow xarun lagu xannaaneeyo carruurta oo ku taal duleedka Kyiv, taas oo sababtay khasaare kale.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhacdadan, balse wararka teel teelka ah ee laga soo xiganayo saraakiisha Ukraine, ayaa  sheegaya in ay ku dhinteen Burburka Diyaaradda, Wasiirkii arrimaha guddaha ee Ukraine Denys Monastyrskyy iyo

Ku xigeenkii Monastyrskyy Yevhen Yenin iyo xoghayihii wasaaradda arrimaha guddaha Yurii Lubkovych, wallow aan sod cad loo sheegin sababta burburka iyo baaxada khasaaraha.

 

 

Markii masiibadu dhacday saacado kaddib, saraakiisha Ukraine iyo kuwa gurmadka degdega ah ayaa ku dhawaaqay tirooyin kala duwan, iyadoo laga soo weriyay in marka laga yimaado masuuliyiinta ay dhinteen tirooyin inta u dhexaysa 14 ilaa 18 qof oo ay ku jiraan carruur.

Hase yeeshee, Sida laga soo xigtay Booliska Ukraine, 16 qof ayaa ku dhintay shilkan, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo  Sagaal ka mid ah ay la socdeen.

Sidoo kale, 29, ayaa ku dhaawacmay, kuwaas 15 ka mid ah yihiin caruur, sida uu Telegram u sheegay Badhasaabka gobolka Kyiv Oleksiy Kuleba.

Goor sii horeysay, Badhasaabka Oleksiy Kuleba,  wuxuu yidhi, “Brovary diyaarad Helicopter ah ayaa ku burburtay meel u dhow xarun xannaano iyo dhismo la dego.”

“Carruur iyo shaqaalihii xannaanada ayaa ku sugnaa xilliga ay musiibadu dhacaysay,” ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray in markii dambe laga saaray.

Saraakiisha Ukraine, ayaan si degdeg ah uga hadlin sababta keentay shilkan diyaaradeed, waxayna sheegeen in ay ku jiraan  baadhitaan  sababta keentay Burburka.

 

 

Monastyrskyy ayaa masuul ka ahaa Booliiska Ukraine iyo addeegyada kale ee degdegga ah, waxayna tani noqonaysaa khasaarihii ugu badnaa ee soo gaadha Ukraine tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaankiisa ku dhawaad sannad ka hor.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post