X

Ukraine: Ruushka Oo Xoojiyay Dagaalka Kaddib Booqashadii Biden

Burburka dhismayaasha Kyiv oo laga baadhayo maydadka dadka la waayay raq iyo Ruux Ukraine, 16 Jan 2023, Image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

Kyiv(ANN)-Millateriga dalka Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay sii wadeen weerara Bariga magaalada Bachmut oo ah mid istiraatiiji ah, shaqaalaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa sheegay in ay jiraan 59 weerar oo ahaa gantaalo lagu soo weeraray muddo 24 saac ah.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Ka Nixiyay Maraykanka Iyo Booqashadii Madaxweyne Biden Oo Ciqaab Ku Noqotay Ukraine

Hase yeeshee ma sheegin khasaaraha ka dhashay gantaalaha, isla markaana ma jiraan cid si madax banaan u xaqiijin karta tiradan. Waxaase jiray dagaal aad u culus oo ka dhacay gobolka bilihii u danbeeyay,  iyadoo ciidamada Ruushka ay xoogga saarayaan istiraatiijiyada aaga dhinaca Bariga ee Ukraine oo ahmiyad istiraatiijiyadeed u leh dagaalka.

Baarlamaanka Ruushka ayaa bilaabay hakinta lagu joojinayo ka qaybgalka Moscow ee heshiiska cusub ee START 2010. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa hakintan kaga dhawaaqay khudbad weyn oo qaran Salaasadii, isagoo ku eedeeyay Maraykanka iyo reer galbeedka burburka heshiiska.

Laxidhiidha: Ukraine: Booqashada Lama Filaanka Ah Ee Madaxweyne Biden Iyo Balanqaadka Uu Sameeyay

Heshiiska cusub ee START, ayaa ahaa mid xaddidaya tirada madaxyada nukliyeerka ee Moscow iyo Washington ay gaadhsiin karaan. Baarlamaanka dawladda Ruushka, balse waxa ka bixitaanka heshiiskaa ee Madaxweyne Putin ku dhawaaqay Arbacadii ansixiyay Baarlamaanka, balse waxa jira su’aalo la xidhiidha waxa ka dhalan kara codbixinta oo si cad u muujinay in Ruushku sii wadayo dagaalka Ukraine iyo in aannu ujixin-jixayn Maraykanka iyo xulufadiisa.

Sannad kaddib markii uu Ruushku ku duulay Ukraine, way sii xoogaysatay collaada  iyada oo awoodda Ukrainiyiintu sii yaraanayso . Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Ukraine waxay ku nool yihiin dhul godadka iyo burburka. Kumanaan shacab ah ayaa la dilay, sidoo kale, In ka baddan 8 milyan oo qaxoonti ah ayaa ku fiday Yurub oo dhan, in ka baddan kala badh ayaa hoy ka raadsaday dalalka Midowga Yurub.

 

Madaxweyne  Joe Biden ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Maraykan ah taariikhda casriga ah ee booqda goob dagaal oo aanay ilaalin ciidamada Maraykanka,taas oo sii kordhisay dagaalka.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa mar kale weerar ku qaaday reer galbeedka, isagoo uu damcay inuu dadkiisa u diyaariyo sidii dagaalku u dheeran lahaa, isagoo ku hanjabay in aan laga guulaysanayn  oo ay samaynayaan naf hurid joogto ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post