X

Ukraine: Ruushka Oo La Wareegay Magaalada Ahmiyada Weyn U Leh Dagaalka Ee Bakhmut

Bakhmut Millateriga Euushka calanka ka taagay, Image Araweelo News Network, 20 May 2023.

Qabsashada Bakhmut waxay khatar ku tahay Kyiv, waxayna dhirbaaxo iyo Guuldaro ku tahay Ukarine Iyo Xulufadda NATO.

#Araweelo_News_Network.

 

Bakhmut (ANN)-Dagaalkii Ukraine ee ugu dambeeyay Millateriga Moscow, ayaa qabsaday ‘99.9% Xuduudaha Juqraafi  ee Bakhmut oo ah magaalo in ka baddan todoba bilood ay ka socdeen daagalo lagu hoobtay iyo duqaymo, maadaama ay Bakhmut tahay mid ahmiyad weyn leh dagaalka Ukraine.

A map showing the strategy of the Rassian military in the war in Ukraine, 2023, Araweelo News Network.

Ciidanka gaarka ah ee Calooshood u shaqaystayaasha kooxda Wagner, ayaa calanka Ruushka ka taagay Bakhmut

Laxidhiidha: Ruushka Oo Qirtay Saraakiil Lagaga Dilay Bakhmut

 

Kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner ayaa laga soo duubay muuqaal, iyagoo calanka Ruushka ka taagay magaalada Bakhmut kaddib markii ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan magaalada ka dib dagaallo ba’an oo bilihii lasoo dhaafay ka socday magaalada oo burburiyay.

 

Ruushka iyo Ukraine ayaa warbixino is khilaafaya ka bixiyay xaaladda magaalada Bakhmut maanta, iyadoo Kyiv ay sheegtay inay weli gacanta ku hayso qayb yar oo ka mid ah magaaladaa la go’doomiyay ee bariga Ukraine, halka Moscow ay u hambalyaysay ciidamada gaarka ah ee Wagner iyo ciidamada Ruushka ee Xoraynta oo ku guulaystay inay gebi ahaanba gacanta ku dhigaan Magaalada Bakhmut, taas oo dhirbaaxo ku ah Ukraine iyo xulufadda taageerta ee Maraykanku hoggaamiyo.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Ciidamo Hor Leh Geeyay Magaaalad Bakhmut Ee Noqotay Alleppo

 

Hoggaamiyaha kooxda calooshood u shaqaystayaasha ee Wagner, Yevgeny Prigozhin, ayaa noqday shaqsi aad muhiim u ah intii lagu jiray dagaalkii Ukraine, shirkadiisu waxay door muhiim ah ka ciyaartay isku daygii Ruushka ee ahaa inuu qaato Bakhmut.

 

Shalay, wuxuu si cad u sheegay in kooxdiisu ay si buuxda gacanta ugu dhigtay magaalada Bariga Ukraine, taas khatar weyn ku ah Kyiv, balse waxa jira sheegashooyin is khilaafsan oo ku saabsan in ciidamada Ruushka ay la wareegeen magaalada Madaxweynaha Ukraine, Zelenskyy wuxuu bixiyaa ‘dammaanad fidsan, isagoo dalbanaya diyaaraddaha F-16, kuwaas oo sida uu sheegay aan looma isticmaali doonin inay galaan Ruushka.

Laxidhiidha: Maxay Wadaagaan Bakhmut Iyo Alleppo (Syria iyo Ukraine)?

 

 

Volodymyr Zelenskyy ayaa mar sii horeysay sheegay in Bakhmut aannu qabin inay gacanta u gashay Federaalka Ruushka ilaa xilligan.

 

Hase yeeshee hadalkiisa ayaa ahaa, saacado ka hor, markii wakaaladdaha wararka ee Ruushka si cad u sheegeen in Vladimir Putin uu u hambalyeeyay guusha, “Weerarkii Wagner, iyo sidoo kale dhammaan adeegayaasha cutubyada Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka, kuwaas oo siinaya taageerada lagama maarmaanka ah iyo ilaalinta garbaha, dhammaadka howlgalka lagu xoreynayo Artyomovsk “, kaas oo ah Magaca Bakhmut ee xilligii Soofiyeedka.

 

Ceeryaamo dagaal ayaa ka dhigay mid aan la xaqiijin karin xaaladda dhulka iyo dagaalka ka socda Bariga Ukraine, iyadoo warbaahinta reer galbeedku noqdeen kuwo aan loogu kalsoonaan karin.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post