X

Ukraine: Ruushka Oo Diyaaraddaha Iran Ku Garaacay Caasimadda

Midawga Yurub Oo Ka Cadhooday Diyaaraddaha Iran Ee Duqeeyay Kyiv

Araweelo News Network.

Kyiv(ANN)-Diyaaraddaha aan duuliyaha layahn ee lagu magcaabo Kamikaze oo dalka Iran sameeyay, ayaa si xarago ah u duqeeyay Caasimadda  Ukraine ee Kyiv.

Duqaymaha Kyiv ee 17 Oct 2022, Image Araweelo News Network

Xukuumadda Ukraine, ayaa sheegtay in duqaymaha oo khasaare geystay lala beegsaday goobo kala duwan oo u baddan badhtamaha Caasimadda Kyiv saaka suxubnimadii Isniinta.

“diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee kamikaze, waxay duqeeyeen goobo ka mid ah caasimadda” sidaa waxa warbaahinta maxaliga u xaqiijiyay madaxa xafiiska madaxtooyada Ukraine.

Duqaymaha Kyiv ee 17 Oct 2022, Image Araweelo News Network

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal, laba ama saddex qarax ayaa ka dhacay badhtamaha degmada Shevchenko ee Kyiv, oo sidoo kale ay qaraxyo ka dhaceen todobaadkii hore, iyadoo ilaa toddoba goobood oo muhiim ah lala beegsaday duqaymaha, kuwaas oo u baddan xarumaha dawladda Ukraine.

Laxidhiidha: Ukraine Oo Duqaymahu Sida Roobka Ugu Hoobanayaan Iyo Ruushka Oo Dhoolatus Nukliyeer Samaynaya

Xukuumadda Ukraine iyo saaxiibada reer galbeedka oo hub iyo saannad millateri siiyay xukuumadda Kyiv, ayaa awooddi waayay in ay hakiyaan weerarrada dhinaca cirka ee duqaymaha diyaaraddaha iyo gantaalaha kaga imanaya meelaha fog ee ciidamada Ruushku ku bar-tilmaameedsanayaan goobaha muhiimka ah.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Xabsiga Ku Gurtay Dad Loo Haysto Qaraxii Biriijka Xidhiidhiya Moscow iyo Crimea

Diyaaraddaha kamikaze ee aan duuliyaha lahayn, ayaa dhowaan lagu arkay goobaha dagaalka ee dalka Ukraine, kuwaas oo xukuumadda Iran oo ay xidhiidha adag leeyihiin Ruushka u rartay si ay doorkooda uga qaataan dagaalka uu kula jiro Ukraine iyo xulufadeeda reer galbeedka.

Dhinaca kale, Ciidamada Ruushka ayaa weli ku sii siqaya magaalada Bakhmut ee gobolka Donbas ee Bariga Ukraine, halkaas oo ay guulo ka gaadheen.

Laxidhiidha: Buunadada Ruushka Ku Xidha Crimea Oo La Gooyay

Sirdoonka millatariga Ingiriiska ayaa ku waramaya in ciidamada Ruushka oo ay hogaaminayaan Millateriga, Wagner Group oo ha shirkad gaarka ah ay durba guulo ka gaadheen gobolka Donbas oo ay toddobaadkii hore ciidamada Ukraine hore ugu ruqaansadeen.

Hase yeeshee Diblomaasiyiinta ugu sarreeya Midowga Yurub oo ku kulmay Luxembourg, ayaa muujiyay taageero dhaqaale iyo hub loo dedejiyo Kyiv si looga difaaco ciidamada Ruushka eek u rogaal celiyay.

Josep Borrell oo ka hadlay shir jaraa’id oo ku saabsan natiijada Wasiirada arrimaha dibadda ee ururka midawga Yurub, ayaa sheegay suurgalnimada la filayaa inay tahay in ay ansixiyaan dhaqaale dheeri ah oo hubka lagu geeyo Kyiv.

Laxidhiidha: Duqaymo Sababay Qaraxyo Waaweyn Oo Gilgilay Caasimadda Kyiv

Sidoo kale Wasiirada arrimaha dibadda ee ururka midawga Yurub, ayaa ajandayaasha ku darsaday in ay wax iska weydiiyaan xidhiidha midawga Yurub iyo dalka Iran iyo sababta ay Tehran u siiso Ruushka hub ay ku duqeeyaan Ukraine. Waxa kale oo Wasiirada Midawga Yurub ee arrimaha dibaddu ku hawlan yihiin qorshe Ukraine loogu tababarayo 15,000 oo askari, kaas oo bilaabmaya marka la gaadho November 2022.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post