X

Ukraine: Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymaha Ruushku Ku Ciqaabayo Iyo Cabsida Dhoolatuska Millateri Ee Belarus

Burburka dhismayaasha Kyiv oo laga baadhayo maydadka dadka la waayay raq iyo Ruux Ukraine, 16 Jan 2023, Image Araweelo News Network.

#Araweelo News Network.

Minsk (ANN)-Belarus iyo Ruushka ayaa si wadajir ah u samayn doona dhoolatus Millateri maalinta Isniinta, taasoo si weyn u cabsi gelisay Ukraine oo ka werwersan, isla markaana ka baqaysa inay horseedi karto xaalad sii kordhisa duulaanka.

Laxidhiidha: Ukraine: Gen. Valery Gerasimov, Hoggaamiye Millateri Oo Ruuskhu U Magcaabay Dagaalka

Labada dal ayaa hore u qabtay tababar dhinaca dhulka ah. Madaxweynaha Ukraine Volodmyr Zelenskyy ayaa marar baddan ka digay in Ruushku laga yaabo inuu weerraro kale oo dhanka dhulka ah kaga soo qaado Belarus.

Saraakiisha Belarus ayaa sheegay in dhoolatusku yahay mid dhanka difaaca ah oo keliya, balse aannay jirin cid lagu weerrarayo, iyadoo sida ay sheegeen Hawlgallada wadajirka ah loo qorsheeyay inay sii socdaan illaa dhammaadka bishan.

Ukraine: Britain and Poland have confirmed that they will send heavy weapons to Kyiv

Dhinaca kale, Ugu yaraan 40 qof, ayaa ku dhintay 48-kii sacadood ee u danbeeyay, waxaana la layahay raq iyo ruux dad baddan oo kale, kuwaas oo laga raadinayo dhismayaasha burburay ee ka dhashay duqaymihii ugu danbeeyay ee Ruushku sida darandooriga ah ugu garaacay Ukraine, gaar ahaan caasimada Kyiv iyo magaalooyin kale, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Duqaymaha dhinaca cirka iyo dhulka ah, oo Ruushku sii kordhiyay, ayaa noqday kuwo u muuqda inay jawaab u yihiin taageerada dalalka Maraykanka iyo xulufadiisa, kuwaas oo inta baddan sameeya balanqaadyo ay ku sheegayaan inay Hub iyo saanad Millateri siinayaan, balse banaqaadyada ayaa noqda kuwo ka cadhaysiiya Ruushka, isla markaana ciqaabta kusii kordhiya Ukraine.

Sidoo kale, werwerka kusii kordhaya Ukraine iyo cabsida uu Volodmyr Zelenskyy ka muujiyay dhoolatuska Millateri ee maalinta Isniinta, ay wadajirka u samaynayaan Belarus iyo Ruushka, ayaa kusoo beegantay, iyadoo Madaxweyne Vladimir Putin Todobaadkii hore u magcaabay Taliyaha cusub ee hoggaaminaya hawlgalka ku waajahan Ukraine Gen. Valery Gerasimov, kaas oo muddo tobban sanandood ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Ruushka tan iyo 2012.

Magcaabista Generaalka cusub ee Ciidamada oo noqonay markii Afraad tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay horaantii sannadkii hore 2022, iyo dhoolatuska ay wadajirka u samaynayaan Belarus iyo Ruushka, ayaa calaamad u ah qorshe cusub oo Madaxweyne Putin ku doonayo inuu qaado weerraro cusub oo ku waajahan Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post