X

Ukraine: Hoggaamiyaha Dagaalyahanka Wagner Oo Ku Hanjabay Inay Ka Baxayaan Magaalada Dhiiga Baddan Ku Daatay Ee Bakhmut

#Araweelo_News_Network.

 

 

Bakhmut(ANN)- Hoggaamiyaha Madaxda ka ah kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada Bakhmut ee dalka Ukraine.

Kooxda Wagner, ayaa la wareegay maagalaada ahmiyada weyn u leh dagaalka Ukriane oo ah Magaalo istiraatiiji ah oo taariikh weyn iyo xadaar leh, taas oo kooxda Wagner ee ka barbar dagaalama ciidamada Ruushka la wareegeen gebi ahaanba toddobaadkii hore kaddib dagaal dhiig baddan ku daatay oo socday dhawr bilood.

Laxidhiidha: Ruushka Oo La Wareegay Magaalada Ahmiyada Weyn U Leh Dagaalka Ee Bakhmut

Hase yeeshee, Hoggaamiyaha kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa wacad ku maray in uu maamulka magaalada ku wareejin doono ciidamada Ruushka marka la gaadho 1da bisha June, wallow ay xukuumadda ay xulufadda Maraykanku taageeraan ee Kyiv weli sheeganayso in ay gacanta ku hayso goobo muhiim ah oo albaabada magaalada ah.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Qirtay Saraakiil Lagaga Dilay Bakhmut

Yevgeny Prigozhin, ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa kooxda Wagner ay diyaar u yihiin inay soo laabanayaan haddii sida uu sheegay ciidamada caadiga ah ee Ruushka ay caddeeyaan inay maareyn waayeen xaaladda Bakhmut.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Ciidamo Hor Leh Geeyay Magaaalad Bakhmut Ee Noqotay Alleppo

Dagaalka magaalada Bakhmut, ayaa ahaa mid dhiig baddan ku daatay, wuxuuna noqonayaa dagaalkii ugu dheeraa ee ka dhaca Magaalo keliya intii tan iyo markii ciidamada Ruushku bilaabeen hawlgalka ay guddaha ugu galeen Ukraine 20 February 2022.

Laxidhiidha Belgorod: Xiisad Ka Dhalatay Weeraro Ka Dhacay Guddaha Ruushka Oo Lagu Eeddeeyay Maraykanka Iyo Xulufadiisa

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post