X

Ukraine: Caasimadda Oo Laydhka Iyo Biyaha Laga Jaray Iyo Magaalooyinka Oo Duqaymaha Cirka Iyo Qaraxyadu Hadheeyeen

Qaraxyo waaweyn oo laga maqlay Kyiv iyo Duqaymaha oo asqeeyay, Image, Araweelo News Network, 31, Oct, 2022.

Xaaladda Cabsideeda Leh Ee Yurub Iyo Weerraro Iyo Duqaymo Ruushku Ku Asqeeyay Magaalooyinka Ukraine
Araweelo News Network.

Kyiv(ANN)-Ciidamada Cirka ee Ruushka ayaa ku asqeeyay Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv gantaalo iyo duqaymaha diyaaraddaha, taas oo gebi ahaanba xaaladda dagaalka ka dhigtay mid horle oo xilligan si dhab ah Ruushku u bilaabay.

Dad ka qaxaya Kyiv iyo Duqaymaha oo asqeeyay, Image, Araweelo News Network, 31, Oct, 2022.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu gantaallo waaweyn ku garaacay guud ahaan dalka Ukraine, taasoo sababtay in gebi ahaanba Laydhkii iyo Biyihii la gooyay, waxaana ka burburiyay adeegyada Bulshada oo saddexdii toddobaad ee u danbeeyay ahaa meelaha uu Ruushku sida tooska ah ugu ekeeyay duqaymaha cirka iyo madaafiicda.

Duqaymaha lagu basiyay Warshadda Laydhka ee Ukraine, Image, Araweelo News Network, 31, Oct, 2022.

Sidoo kale, waxa laga maqlay caasimadda Ukraine ee Kyiv Qaraxyo is xig xiga, iyadoo goob joogayaal ku sugan caasimaddu ay ay sheegayaan in ay maqleen ugu yaraan shan qarax oo ka dhacay goobo kala duwan oo caasimadda Kyiv ah, balse lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay naf iyo maal, wallow la xaqiijiyay in Biyaha iyo Laydhkuba ay ka go’an yihiin Caasimadda.
Dhaamka weyn ee dhinaca Waqooyi ee Magaaladda, ayaa lagu burburiyay duqaymaha Ruushka, taas oo xaaladda ka dhigtay mid qalafsan oo walaac weyn iyo cabsi abuurtay, kaddib markii duqaymo lagu basiyay Warshadda Laydhka ee Ukraine (Hydroelectric power plant Ukraine), iyadoo 80%, aannay magaaladda Caasimadda ee Kyiv jirin Laydh iyo Biyo, taas sababtay in ay dad baddani ay nafahooda la baxsadaan inta aannay xaaladdu faraha ka bixin, kuwaas oo inta baddan ka qaxaya Caasimadda iyo magaalooyinka kale ee khatarta dagaalku saameeyay.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Soo Bandhigay Sir Culus

Ukraine ayaa sidoo kale soo sheegaysa in dagaallo ba’an ay ka socdaan Bariga dalkaas, kuwaas oo u muuqda in ciidamada Ruushku soo kiciyeen guluf weyn oo xooggan, isla markaana cir iyo dhul ay ku ekeeyeen weerarrada magaalooyinka Ukraine.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy oo khudbadiisa muuqaalka laga soo duubo ee habeenimo caawa jeedinayay, wuxuuna sheegay in ciidamada Ukraine ay iska caabiyeen weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushka oo ka dhacay gobolka Donetsk, balse ma muuqdaan cadaymo muujinaya iska caabinta uu sheegay Zelenskyy ee ciidanka Ukraine.

Warbaahinta inta baddan reer galbeedka oo la safan Ukraine, ayaa sheegaya in dagaalada hadda socdaa ay ka dhacayaan agagaarka magaalooyinka muhiimka ah ee Bakhmut iyo Avdiivka, kuwaas oo sida ay sheegeen ciidamada Ruushku isku dayayaan inay qabsadaan maalmihii u danbeeyay.

Laxidhiidha: Midawga Yurub Oo Qarka U Saaran Burbur

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Turkiga iyo Ukraine ay ku heshiiyeen qorshe 16 Markab oo qaadaya Hadhuudh laga rarayo biyaha Turkiga, balse Ruushka ayaa gebi ahaanba diiday qorshahaa.

Kolanyo maraakiib ah oo ay ku raran yihiin Hadhuudh ayaa sugaya kormeer si ay ugu sii socdaan daabulka ay doonayaan in ay ka qaadaan halkaa, waxaase xilligan arrintu u muuqataa mid gebi ahaanba aan shaqaynayn.

Ruushka ayaa ka baxay heshiis ogolaanayay in Hadhuudhka iyo Qamandiga Ukraine laga dhoofiyo Badda madow, isagoo inta baddan gacanta ku haya Biyaha (Black Sea) oo ahmiyad weyn oo istiraatiijiyadeed u leh aduunka.

Dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine waxa uu bedelay nolosha qof kasta oo dalka ku nool iyo dunida kale oo saamayn weyn uu ku yeeshay, wallow ay dalalka Yurub yihiin kuwa ugu daran ee dhibaatada laga dareemayo.

Meelaha qaarkood, waxay soo dedejinaysaa isbeddelka bulshada, iyadoo laga cabsi qabo in dhibaatooyinka uu dagaalku sababay ee nollosha ay ka dhashaan kacdoono xukunka lagaga tuuro hoggaamiyayaal Yurub ah iyo kuwo dunida kale ah, iyadoo durba dhacdooyinkii u danbeeyay ee Britain iyo Italia ay ahaayeen kuwo la xidhiidha dhibaatooyinka jaah wareerka siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee uu sababay dagaalka Ukraine iyo duulaanka Ruushu,
In kasta oo aan weli la gaadhin xilliga jiilaalka oo cabsida ugu weyn ay waajahayso Yurub, iyadoo xaaladda wer werka ah ee waranka ku ah xulufada Galbeedka ay tahay cabsida laga qabo in Ruushku fursadaa uga faa’idaysto inuu kaga aarguto cunaqabataynta iyo taageerada hubka ee Ukraine, isla markaana ku khamaaro nollosha dadka ay dawladdahoodu la safan yihiin dagaalka Ukraine, marka la gaadho xilliga Jiilaalka ee Albaabka garaacaya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post