X

Turkiga Oo Isballaadhinta NATO Ka Dhiidhiyay Finland Iyo Sweden Oo Xaallad Murugsan Galay

Turkish President Recep Tayyip Erdogan speaks during a press conference after a cabinet meeting at the presidential complex in Ankara, Turkey, on June 29, 2020. (Photo by AFP)

“Sweden iyo Finland, ma dareemayno wax wanaagsan oo arrintan ku saabsan ” Erdogan

Araweelo News Network.

Copenhagen (ANN)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark, Jeppe Kofod, ayaa aaminsan in gaashaanbuurta NATO ay caddayn doonto inay ka midaysan yihiin ku biiritaanka Finland iyo Iswidhan,

Hase yeeshee wuxuu sheegay in ay jiraan calaamado ka imanaya Turkiga, kuwaas oo ay soo jeedinayaan in Ankara aanay diyaar u ahayn inay taageerto is ballaadhinta taariikhiga ah ee NATO.

Kofod waxa uu la hadlay Wargeyska Newsweek Sabtidii isaga oo dhinac socdo Shirka Lennart Meri ee Tallinn, Estonia.

Shirka oo ah Munaasabadda sanadlaha ee qiimaynta awoodda NATO,  ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadda dibadda iyo amniga ee bariga iyo waqooyiga Yurub,

Hase yeeshee waxa uu sannadkan kusoo beegmay xiisaaddo dagaal iyo dhibaatooyin dhaqaale oo cabsi baddan oo ka dhashay dagaalka Ukraine. Sidaa awgeed sannadkan waxa lagu falanqaynayaa dooddaha ku saabsan dagaalka Ukraine iyo ballaadhinta NATO ee ku dhow.

“Sweden iyo Finland labadaba, dhammaan calaamadaha hadda ka imanaya waxay u eg yihiin inay codsan doonaan xubinnimada NATO, laakiin waa inaan sugno go’aan rasmi ah,”ayuu yidhi, Wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark, Jeppe Kofod oo ka hadlay Wargeyska Newsweek.

Qorshaha labada dal ku doonayaan in ay ku biiraan NATO, waxa si cadha ah uga jawaabay Turkiga oo la filayo inuu si dhab ah u qaado tallaabooyink cunaqabatayn oo ka dhan ah Finland iyo Sweden.

“Waxaan hadda la soconaa horumarka ku saabsan Sweden iyo Finland, laakiin ma dareemayno wax wanaagsan oo arrintan ku saabsan,” Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sidaa u sheegay suxufiyiinta Jimcihii.

“Ma doonayno inaan khalad sameyno,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray. “Wadamada Scandinavianku waxay la mid yihiin guryaha martida ee ururada argagixisada, si ay u sii socdaan, waxay ku leeyihiin kuraas Baarlamaankooda.”ayuu yidhi.

Dhinaca kale, War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen maalin ka hor, Sauli Niinisto iyo Sanna Marin ayaa lagu yidhi: “Xubinnimada NATO waxay xoojinaysaa ammaanka Finland. Xubin ka ah NATO ahaan, Finland waxay xoojin doontaa dhammaan isbahaysiga difaaca. Finland waa inay dalbataa xubinnimada NATO iyada oo aan dib loo dhigin”.

Ku dhawaaqista ay ku biirayaan NATO,  ayaa la filayaa inay cadaadis saarto Sweden oo iyaduna ka fikiraysa inay codsato inay ku biirto xulafadda difaaca millateriga ee reer galbeedka. Finland waxay xuduud dhan 1300 kilomitir la wadaagtaa Ruushka. Laakiin niyadjab kale ayaa durba ka dhashay kaddib markii Ruushku si cad u sheegay inuu burburinayo labada dal, isagoo durba Finland saaray cunaqabatayn xayiraad ah.

Finland aad ayay isu beddeshay, waxayna waajahday cabsi iyo wer wer tan iyo duullaankii Moscow ee Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post