X

Turkiga Iyo Imaaraadka Oo Qalinka Ku Duugay Heshiisyo Waaweyn

Booqashada Hoggaamiyaha Turkiga ee Abu Dhabi iyo Heshiisyo qalinka lagu duugay

Hadafka Hoggaamiyaha Turkiga Oo Ka Degey Tobban Sannadood Kaddib UAE

Araweelo News Network.

Abu Dhabi(ANN)- Hoggaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka degay dalka Imaaradka Carabta ee UAE, ayaa sheegay in labada dal xilligan hadaf midaysan laga yeelanayo xidhiidhka laba geesoodka ah ee dalkiisa iyo UAE, kaas oo la gaadhsiiyo meel sare.

Madaxweynaha Turkiga, wuxuu sidaa ka sheegay isagoo la hadlaya ganacsatada iyo maal-gashadayaal ku sugan Abu Dhabi Salaadadii, “Waxaan qaadaynaa tallaabooyin lagama maarmaan ah si aan u xoojinno xidhiidhka dhaqaale ee dhammaan dhinacyada, gaar ahaan kaabayaasha, duulista, Bangiyada, iyo maaliyadda, ayuu yidhi, Recep Tayyip Erdogan.

Waa boooqashadii u horaysay ee Madaxweynaha Turkigu ku tago dalkaa tobbanaan sannadood, iyadoo ay booqashadiisa Imaaraadka Carabta ugu danbaysay sannadkii 2013-kii, waxayna booqashadiisa xilligan oo qaadanay labo maalmood ka danbaysay kaddib markii uu casuumaad ka helay Dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Xidhiidhka labada dal oo sanando baddan aan wanaagsanayn, isla markaana ay ay hore ugu siugu maan dhaafeen labada dal arrimo la xidhiidha qadiyaddaha Falstiin, xiisadii Qadar, Yemen, Somalia, Suuriya iyo la macaamilka dalalka reer galbeedka ayaa xilligan kasoo raynaya,wuxuuna Madaxweynaha Turkigu si cad u sheegay in labada dal ay leeyihiin rabitaan xooggan oo ku waajahan kor u qaadista xidhiidhka ganacsiga iyo kobcinta maalgashiga, taasoo ay markhaati u tahay in la kala saxeexday 13 heshiis iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh Isniintii.

Heshiisyada labada dal, waxaa ku jira kuwo ku saabsan dhinaca Warshaddaha Difaaca, caafimaadka, isbeddelka cimilada, Warshaddaha, Tignoolajiyada, ganacsiga, dhaqaalaha, dhaqanka, Beeraha, Ganacsiga, dhaqaalaha, dhalinyarada, gaadiidka, maaraynta masiibooyinka, saadaasha hawada, isgaadhsiinta, iyo kaydka, kuwaas oo dhammaantood qalinka lagu duugay intii uu socday kulankii dhexmaray Turkiga iyo Imaaraadka.

Goobta heshiisyada lagu kala saxeexday, waxa si wadajir ah u guddoominayay kulamada Madaxweyne Erdogan iyo dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan., waxayna muujinayaan heshiisyadan iyo dalka Imaaraadku xilligan isu dhiibay dhinaca xulufada uu yagleelayo Turkigu, taas oo u muuqata in xidhiidhkii Maraykanka iyo UAE, oo muddooyinkan aan wanaagsanyn meesha kasii baxayo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post