X

Switzerland Oo Lagu Dhaleeceeyay Inay Ka Faagatay Dagaalka Ukraine

Safiirka Switzerland u fadhiya magaalada Berlin Paul Rene Seger, Image File Araweelo News Network, 24 April 2023.

#Araweelo_News_Network.

 

Berlin(ANN)-Dawladda Switzerland, ayaa dhaleecayn kala kulantay dalalka Midawga Yurub iyo xulufadda Maraykanka, kaddib markii ay diiday inay qayb ka noqoto dagaalka Ukraine.

Switzerland, ayaa difaacay siyaasaddeeda ku waajahan in dalkeedu aannay qayb ka noqonay in hubka loo dhoofiyo dalalka ay colaaduhu ka jiraan, taas oo ah siyaadda u degsan dalkaa.

 

Safiirka Switzerland u fadhiya magaalada Berlin Paul Rene Seger ayaa sheegay in uu la yaabay “inta ay leeg tahay dhaleecaynta ku da’aysa” dalkiisa ee aaddan mamnuucidda Switzerland ee ah in ay dib u dhoofiso rasaasta Jarmalka Leopard (ama Gepard) ee Ukraine.

 

Dawladda Jarmalka, ayaa dalka Ukraine geysay daraasiin Taangiyada Leopard iyo ku dhawaad 60,000 oo rasaas ah.

Hase yeeshee Berlin waxay u baahan doontaa ogolaanshaha Switzerland si ay u keento 12,000 oo kale oo lidka diyaaraddaha ah, taas oo lagu sameeyay Switzerland.

Safiirka Switzerland u fadhiya magaalada Berlin Paul Rene Seger, ayaa isagoo u warramayay warbaahinta jarmalka ee Augsburger Allgemeine, wuxuu difaacay siyaasadda Switzerland ee ah in aan hubka loo dhoofin dalalka ay colaadduhu ka jiraan. “Aragtida waxaa la siinayaa in Switzerland ay ku lug leedahay haddii Putin uu ku guuleysto dagaalka. Laakin 12,000 oo wareeg ah ma saameyn doonaan, iska daa in ay go’aamiyaan dagaalka,” Seger ayaa u sheegay Wargeyska Augsburger Allgemeine.

 

Seger, ayaa sidoo kale tilmaamay in dhaqanka dhexdhexaadnimada ee Switzerland uu yahay mid ka mid ah mabaadi’da aasaasiga ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Switzerland. “Annaga waxay noo tahay qayb ka mid ah DNA-da,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, ka hor intii aannu bilaabmin dagalaka Ukraine bilawgii sannadkii hore 2022, Jarmalku waxa uu lahaa siyaasad la mid ah ta Switzerland oo ku saabsan in aan hub loo dirin dalalka colaaddaha, amma dagaaladu kulul ka jiraan, balse siyaasadda noocaa ah dhowaan waxa wax ka beddelay dagaalka Ukriane.

Switzerland, ayaa inta badan la kulnta dhaleeceyn tan iyo 2022, markii dagaalka Ukraine bilaabmay, waxaana loo arkaa in uu ka caga jiidayso in hub siiyo Kyiv.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post