X

Sool: Maydadka Koox Ku Haligmay Qorshe Ay Ku Doonaysay Inay Gooyaan Biriishyada Isku Xidha Laascaanood Iyo Caynaba

#Araweelo_News_Network.

 

Laascaanood(ANN)-Maydadka dhawr qof oo aan tiradooda la xaqiijin karin, ayaa lagu arkay Laangawlalo, kuwaas oo miino ay doonayeen inay jaraan Briishyada ay ku qaraxday, ka hor intii aannay ku guulaysan qorshohooda ahaa inay wadada ku gooyaan.

 

Deegaanka Laangawlalo oo u dhaxaysa Tuulo Samkaab iyo Yagoori , ayaa lagu arkay maydadka dhawr qof oo aan la aqoonsan inta ay tiro ahaan ahaayeen, kuwaas hilibkoodu ku firdhay goobtaa, kaddib markii sida lagu arkay qalabka goobta loogu tegey loo fahmay in Miino la doonayay on lagu xidho Biriishyada wadada isku xidha Laascaanood iyo Yagoori.

Saraakiisha Millateriga Somaliland ee deegaanka oo goobta tegey, ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinaya maydadka iyo qalabka lagu xidho Miinada oo goobta yaal, balse waxay sheegeen in aan la aqoonsan tirada kooxda miinada doonayay inay ku xidhaan Biriishyada.

“Waxa halkan aynu ku aragnaa maydadka tirada saxda ah lama garanayo oo hilibkooda ayaa goo’gay oo firdhay, waxa keliya ee iska haysta mid qaarkiisa sare ka muuqdo, waxaase lagu qiyaasay ilaa afar qof amma saddex kale inay jireen oo hilibkoodii ka muuqdo meesha” sidaa waxa yidhi, Sarkaal ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland ee deegaanka oo goobta ka hadlay.

Sarkaalka ayaa sheegay in ay ahaayeen kooxdan kuwo laga diray dhinaca SSC iyo kooxda Khaatumo oo doonayay inay jidkaa muhiimka ah gooyaan, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid nasiibdaro ah.

“Waxa halkan ka muuqda wixii aannu ka digaynay, kuwa doonayay inay jaraan Biriishyada ay Shiinuhu dhiseen ee muhiimka ah, waxay muujinayaan in aannay wadin dan dadka deegaanka iyo mid soomaalinimo ee ay yihiin cadaw kusoo duulay dadka deegaanka Sool oo gabood ka dhiganaya sheeko aan xaqiiq ahayn iyo dadka deegaanka loo hiilinayo, waa la fahmaa in caddawga sidan qorshaynayaa aannay ahayn dad Soomaalinimo iyo islaamnimo wada, waana khawaariijtii awalba dilalka ka geysanayay Laascaanood” ayuu yidhi, sarkaalka ka hadlay goobta lagu arkay maydadka kooxdaa iyo qalabkii ay wateen marka laga reebo walxaha ay isku xidhayeen oo ku qarxay iyaga, markii ay diyaarinayeen.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post