X

SONSAF Oo Soo Gabagabaysay Tababar Kor Loogu Qaadayay Doorka Guddiyada Hoggaamiya Ururada Aan Dawliga Ahayn

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Dallada Ururada aan dawliga ahayn (Somaliland Non_State Actors) ee ay ku bahoobeen Ururada Bulshada Rayidka ee loo soo gaabiyo SONSAF, ayaa soo gebagebaysay aqoon is weydaarsi muddo laba maalmood ah uga socday Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa.

Kulanka Aqoon is weydaarsiga oo ay ka qaybgaleen ku dhowaad Afartameeno xubnood oo ka socday Guddiyada Sare “Board of Directors” ee Ururada aan dawliga ahayn iyo dalladaha qaarkood kuwa ugu waaweyn ee ka jira Somaliland.

SONSAF Ka qaybgalayaasha ka socday Guddiyada Ururada Bulshada Somaliland, Image Araweelo News Network, 29 Sep 2023.

Ujeedadda kulanka Aqoon isweydaarsiga ah ayaa ahaa in la tayeeyo Maamulka Sare ee dalladaha si ay waajibkooda shaqo si hufnaan leh u gutaan, isla markaana ay ka caawiyaan dalladuhu in ay sii jiraan muddo dheer (Organizational Sustainability).

Guddoomiyaha Dallada SONSAF, Anwar Abdirahman ayaa tilmaamay in   mashruucaa oo ay maalgalisay Midowga Yurub(EU), la doonayo in sidii loo kobcin lahaa Guddiyada Ururada aan dawliga ahyn ee jaan-gooya siyaasada qorshaha Istiraatiijiyada yoolalka ay lee yihiin Ururadu.

SONSAF Ka qaybgalayaasha ka socday Guddiyada Ururada Bulshada Somaliland, Image Araweelo News Network, 29 Sep 2023.

Intii uu socday Aqoon Isweydaarsiga oo uu daadihinayay Kayse Ahmed Maxamed (Bisleh) oo ah Khabiir Cilmi-baadhe ah, isagoo sharaxaad ka bixiyay habka maamul wanaaga, awooddaha la xisaabtanka, maaraynta dakhliga, raadinta mashaariicda

Gabagabadii Guddoomiyaha SONSAF, Anwar Adbirahman, ayaa shahaadooyin la gudoonsiiyay ka soo qayb-galayaasha, wuxuuna ku dardaaray inay ku khibradii ay qaateen mudadii uu socday tababarku kula noqdaan Ururada ay ka yimaadeen, isla markaana ku dabakhaan hoggaamintooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post