X

#Somaliland: Xukuumadda Oo Kashiftay Doorka Haweenayda Illhan Omar Ee Xildhibaanada Maraykan Ah Iyo Kaalinta Ay Ku Lahayd Dagaalka Laascaanood

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Image Araweelo News Network photo file Oct 2016.

 

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa (ANN)-Xukuumadda Jamhuuriydada  Somaliland ayaa soo Bandhigtay eeddayn la xidhiidha Kaalintii Ilhaan Cumar oo ah Haweenay asal ahaan Soomaaliyad ah, isla markaana haysta dhalashada Maraykanka oo mid xildhinaada Xisbiga Dumuqraadiga oo lagu eeddeeyay doorkii at  ku Lahayd Dagaalkii Laascaanood dabayaaqadii sannadkii 2022.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland,  isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda . Cali Xasan Maxamed ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay ka mid ahayd jilayaashii kaalinta ku lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada  Laascaanood ee xarunta gobolka Sool bishii December 2022.

Wasiir Cali ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter).

Qoraalka ayuu Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta  qoddobeeyay tallaabooyin baddan oo sida uu sheegay haweenayda Ilhan Cumar ku kala qaybisay Soomaalida.

“Maaha markii u horreysay ee Ilhaan Cumar ay cadaawad dhex dhigto Soomaalida. Waxa ay si weyn ugu lug lahayd colaadii ka dhacday Laascaanood Bishii December 2022, waxay booqatay Garoowe, halkaas oo ay hoggaamiyayaasha Soomaalida ugu dusisay war ku wajahnaa shir Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu la yeeshay Guddida Arrimaha Dibadda Maraykanka oo ay xubin ka ahayd xilligaas. Waxa ay ahayd mid xin iyo xumaato haysay, waxayna ku boorisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay qaadaan tallaabooyin ay kaga gaashamanayaan sida ugu dhakhsaha badan.* ayaa lagu yidhi qoraalka.

,”Bil kadib socdaalkeedii  waxa   bilaabmay dagaalkii Laascaanood ka qarxay. Ilhaan Cumar waa mid ka mid ah jileyaasha cadaawada iyo kala qeybinta dhex dhigay Soomaalida.
Sidaa darteed, waxa la joogaa xilligii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa gefafkeeda,” ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cali Xasan Maxaned ku yidhi. Gunaanadma Qoraalka.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post