#Araweelo_News_Network.
Hargeysa (ANN)-Xukuumadda Jamhuuriydada Somaliland ayaa soo Bandhigtay eeddayn la xidhiidha Kaalintii Ilhaan Cumar oo ah Haweenay asal ahaan Soomaaliyad ah, isla markaana haysta dhalashada Maraykanka oo mid xildhinaada Xisbiga Dumuqraadiga oo lagu eeddeeyay doorkii at ku Lahayd Dagaalkii Laascaanood dabayaaqadii sannadkii 2022.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda . Cali Xasan Maxamed ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay ka mid ahayd jilayaashii kaalinta ku lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool bishii December 2022.
Wasiir Cali ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter).
Qoraalka ayuu Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta qoddobeeyay tallaabooyin baddan oo sida uu sheegay haweenayda Ilhan Cumar ku kala qaybisay Soomaalida.
“Maaha markii u horreysay ee Ilhaan Cumar ay cadaawad dhex dhigto Soomaalida. Waxa ay si weyn ugu lug lahayd colaadii ka dhacday Laascaanood Bishii December 2022, waxay booqatay Garoowe, halkaas oo ay hoggaamiyayaasha Soomaalida ugu dusisay war ku wajahnaa shir Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu la yeeshay Guddida Arrimaha Dibadda Maraykanka oo ay xubin ka ahayd xilligaas. Waxa ay ahayd mid xin iyo xumaato haysay, waxayna ku boorisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay qaadaan tallaabooyin ay kaga gaashamanayaan sida ugu dhakhsaha badan.* ayaa lagu yidhi qoraalka.
,”Bil kadib socdaalkeedii waxa bilaabmay dagaalkii Laascaanood ka qarxay. Ilhaan Cumar waa mid ka mid ah jileyaasha cadaawada iyo kala qeybinta dhex dhigay Soomaalida.
Sidaa darteed, waxa la joogaa xilligii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa gefafkeeda,” ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cali Xasan Maxaned ku yidhi. Gunaanadma Qoraalka.