X

#Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dooddaha Ka Dhashay Sonkor Dalka Lasoo Gelilay

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa war kasoo saartay murran iyo dooddo ka dhashay Sonkor si weyn loogu faaqiday Baraha Bulshada, taas uu dalka soo gelisay shirkadda Omaar oo ka mid ah shirkaddaha soo dejiya cuntooyinka iyo badeecado kale.

 Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland oo ka hadashay dooddaha ka dhashay ee murranka abuuray, maadaama  xilliga ay Sonkortu kasoo baxday dalka Barazil ee ku yaal Laatiin Amerika iyo xilliga ay suuqa soo gelisay sida ku qoran aannay ahayn mid macquul ah.

Sidaa awgeed Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland oo ka hadashay arrinta, isla markaana soo dhexgashay, ayaa sheegtay in “Hay’addu ay u caddaynayso bulshada Somaliland in ay gacanta ku hayso baadhitaanna arrinka la xadhiidha Sonkorta dareenka dhalisay” ayaa lagu war kooban oo kasoo baxay hay’adda.

Sonkorta ayaa sawirrada la iskula wadaagay Baraha bulshada ayaa laga akhriyay sida muuqta qoraalka Kiishka in ay soo baxday bishan Oct, 2023,  iyada oo ay dadku su’aal galiyeen sida ay kusoo gaadhay geeska Afrika iyada oo bishan gudaheeda lagu sameeyay Barazil, taas oo abuurtay shakiga, maadaama la qiyaasi karo in Gaadiidka Badda ee Maraakiibta qaada Badeecaddaha ee ka yimaada Barazil ugu yaraan ay kusoo gaadhi karaan Dekeddaha Geeska Afrika ee Somaliland ka mid tahay bil iyo badh, haddii aannay jirin xaalladdo kale, ama aannay ku leexan meelo kale.

 “Sidaa awgeed waxa aannu ku wargelinaynaa in ay Hay’adda laga war sugo ilaa iyo inta ay waajibaadkeeda gudanayso” ayay qoraalka kooban ku tidhi, Hay’adda Dhawrista Tayada oo ah mid aannay Bulshadu kalsooni baddan ku qabin, maadaama aannay ka arag waxyaabo muujinaya innay gudanayso waajibaadkii loo aasaasay.taas oo keentay in ay weli qaar ka mid ah Bulshadu is weydiinayaan in lasii isticmaali karo Sonkorta tan iyo inta uu baadhitaanku kasoo dhamaanayo iyo in kale, iyadoo aan taas lagu xusin aannay ka jawaabin hay’adda dhawrista Tayadu.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post